XUKUUMADDU WAY KU MERGATAY GUDOOMIYAHA WAKIILADA

Wakiiladii iyo madaxtooyii waxa la leeyahay waa isku jiq odayaal guurtida ah oo saleebaan Gaal hor kacyo ayaa isku deyay in ay dhexdhexaadin ka galan wax xal ah oy ka gaadheena lama sheegin. Bal xalku ha dambeeyo eh bal marka hore ma la fahmi karaa yaa is haya maxaase la isku hayaa? Si aynu u hello jawaab sax ah waxa muhiim ah in aynu in yar dib u jaleecno xidhiidhka xukuumadda iyo wakiiladu sidii uu ahaa intii uu madaxwayne Silanyo xilka hayay iyo waxa iska bedelay mudooyinka dambe.

 Marka aynu ka dhaqaaqayno natiijadii doorashadii wakiilada 2005tii UDUB oo helay tiradii ugu badnayd kuraasida aqalka Wakiiladdu wuxu helay 33 kursi halka labda xisbi ee Kulmiye iyo UCID oo markaa iyagu mucaaridka ahaa ay kala heleen 28 Kursi iyo 21 kursi siday u kala horeeyaan, taas oo wadar ahaan marka la isku daro mucaaridku uu ku guulaystay tirada badan ama aqlabiyadda kuraasta oo 49 kursi ay heleen. Labadii xisbi ee mucaaridku aqlabiyadii ay heleen waxay u suurto gelisay in ay wada qaataan Gudoomiyihii oo UCID ah iyo labadii ku gudoomiye ku xigeen oo Kulmiye ah. Mudadii u dhaxaysay labadii doorasho ee Wakiiladda iyo Madaxtooyada oo shan sanadood noqonaysay waxa is hayay Wakiilada oo mucaaridku hogaaminayay iyo xukuumadii Rayaale oo UDUB ahayd xisbegeeda na lagaga tiro badnaa aqalka wakiilada oo ahaa aqliyadda, in kasta oo hadana marka loo eego xisbi ahaan uu ku guulaystay tiradii ugu badnayd kuraasida aqalka wakiilada ee mucaaridku hogaaminayay.

 

Si kasta ba xaalku ha ahaado eh Kulmiye iyo UCID mudadii ay mucaaridka wada ahaayeen intii ugu badnayd waxay ahaayeen laba mucaarid oo wax badan ku kala duwaanaa oo aan odhan karo UCID wuxu ahaa mucaarid macquul ah halka Kulmiye na uu ahaa mucaarid mucangag ah. Labada xisbi mucaarid waxay bilaabeen in ay aad isugu soo dhawaadaan wax yar ka hor markii ay muddo xileedkii Rayaale oo ahayd shan sanadood ay dhamaatay. Muddo laba sanadood oo dheeraad muddo kordhina ahayd ay ugu dambaystii keentay in labada xisbi ay noqdaan front midaysan oo meel uga soo wada jeeda xukuumadii Rayaale iyo xisbigeedii UDUB kana go’an tahay in gar iyo gardaro ba ay dhulka soo dhigaan. Taas oo ugu dambaystii ay ku guulaysteen.

 

Ka dib markii madaxwayne Silanyo oo ahaa murashaxa Kulmiye uu tartankii doorashada madaxtooyada kaga adkaaday madaxwaynihii hore Mudane Dahir Riyaale Kaahin, Kulmiye iyo UCID labaduba waxay tirsadeen guul iyada oo guusha UCID tirsaday ay ahayd guul daradii Rayaale.Lakiin farxadii iyo rayrayntii mucaaridka guulaystay may sii waarin cimrigeedi na wuxu noqday kii waarigta markii uu madaxwayne Silanyo soo dhisay xukuumadiisii ugu horeysay ee la arkay in aan xaalku sidii la moodayay ahayn( la soco qaybta dambe)