Hal-doorka Somaliland Oo Niyad Midaysan Ku Gardaadiyay Diiwaanka SAMO-TALIS

Hargeysa(Aftahannews):- Munaasibad lagu daah-furay diiwaanka SAMO-TALIS oo xambaarsan taariikhda Odayga Somaliland: Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) ayaa xalay lagu qabtay Jaamacadda Hargeysa waxaana ka soo qayb-galay Wasiirro, Xildhibaanno, Qoraayo, Oday-dhaqameed, maamulka iyo ardayda jaamacadda iyo marti-sharaf kale. Waxaana iska kaashaday Jaamacadda Hargeya iyo Shirkadda Daabacaadda Sagaljet.

44

1

10

11

55-300x225

33

12

88

77

99

Ugu horreyn Guddoomiyaha Machadka Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa Prof Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa ka warramay muhiimadda uu diiwaankani leeyahay, waxaanu xusay inuu Xaaji Cabdi ka mid yahay waayo-aragga casharrada ka bixiya machadkaas. Aqoonyahan Aadan Xaaji Cali Axmed waxa uu misna tilmaamay in qoraaga buuggani ka mid yahay midhihii iyo ardaydii ka baxday Jaamacadda Hargeysa, taasina ay tahay guul xusid mudan.

Marwo Niciima Cabdi Giliixe oo ka socotay Sagaljet ayaa ka warrantay qiimaha uu dhiganahani xambaarsan yahay iyo inay shirkad ahaan daabaceen buugaag uu SAMO-TALIS ka mid yahay, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan adeegyada horumarinta bulshada. Sidoo kalena ay qiimo-dhimis %25 ah u samaynayaan cid kasta oo ku hawllan soo saarista buugaagta waxtarka leh.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeya Dr Cabdi Xuseen Aw Gaas ayaa marti-sharafta ku soo dhaweeyay Jaamacadda, waxaanu daaha ka qaaday inay Jaamacad ahaan soo dhaweynayaan buugaagta iyo munaasibadaha sidan u qiimaha badan, isaga oo intaas raaciyay in ay karaankoodna garab galayaan inta isku xil-saartay ururinta sooyaalka bulshada ee dadka waajibku ka saaran yahay.

Qoraaga buugga Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyay sababaha ku kallifay inuu qoro buuggan waxaanu yidhi “Muddo 6 sanno ah ayaan ku hawllanaa qoraalka buuggan. Xaaji Cabdi waxa uu ka mid yahay dadka wakhtigooda iyo naftooda u huray inay bulshada wanaaggeeda ka shaqeeyaan, waxaanu mudan yahay in la abaal-mariyo isaga oo nool. Waxa aan bogaadin u jeedinayaa bulshada Somaliland oo aan erey iyo adduun midna iga hagran intii aan qoraalka buugga waday. Halkaa waxa aad ka arkaysaa inuu Xaaji Cabdi Yahay qof ay si wadajir ah u sharfaan dhammaan muwaaddiniinta dalku mucaarid iyo muxaafiba. Buuggu waxa uu xambaarsan yahay sooyaal fac weyn, nuxurka iyo dhadhanka buugganna waxa lagaga bogan karaa kolkii la akhriyo”.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa madasha ka jeediyay qudbad aad loola dhacay waxaanu xusay in Xaaji Cabdi laga qori karo buugaag kale marka la eego waayo-aragnimadiisa. Isaga oo xusay inuu yahay oday ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed, una gaar ah Somaliland. Mar uu ka hadlayay qoraaga buugga waxa uu yidhi “Siciid waa qof masuul ah oo is-dira oo aan la dirin. Waannu wada shaqaynnay. Waxaanu haystaa fursad badan marka annaga naloo eego oo waa uu naga da’ yar yahay”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland C/Laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa si faahfaahsan u qeexay kaalinta uu Xaaji Cabdi-Waraabe ugu jiro qaranka Somaliland iyo sida ay muhiim u tahay in xog iyo xusuuba laga reebo, waxaanu bogaadin u jeediyay qoraaga dhallinyarada ah ee dedaalka u galay inuu diiwaankani ifka u soo baxo.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Xaaji Cabdi uu ka mid yahay hal-doorka guurtida Somaliland, ee loo hayo qaddarinta mugga leh. Waxaanu ka warramay inay wada galeen oo hawlo badan oo isugu xilliyo adag iyo kuwo farax leh. Wasiirku waxa uu ka faallooday muhiimadda dhiganahan, isaga oo u mahad-naqay qoraaga isku hawlay soo saaristiisa.

Masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Guddoomiyeha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali-Waraabe iyo Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland C/Laahi Ibraahin Habbane (C/Laahi-Dheere) ayaa si waafi ah uga warbixiyay qiimaha uu buuggani leeyahay, iyaga oo ku far waaweyn ku xusay in Alle ina garansiiyay inaynu dhaxal, waano iyo xikmadba kala hadhno Xaaji Cabdi Xuseen.

Ugu dambeyntii Odayga Somaliland: Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo munaasibadda soo xidhay ayaa u mahad-naqay bulshada iyo qoraaga hirgeliyay buuggan lagu milgeeyay. Xaaji Cabdi waxa uu ka sheekeeyay sooyaalka dheer ee Somaliland laga soo bilaabo xilliyadii Ingiriiska, il-duufkii reer Somaliland ku dhacay 1960-kii, halgankii dib u xoreynta iyo marxaladda uu waddanku hadda marayo. Waxaanu xusay inay wax qabteen dhammaan madaxweynayaasha loo doortay talada Somaliland.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.