Mu’addin Masaajidkii uu ka eedaamayay lagu dhex toogtay

Muqdisho(Aftahannews):- Allaha u naxariistee waxaa xalay lagu dhex toogtay nmasaajid uu mu,adin ka ahaa sheekh lagu magacaabo Bashiir Bile  oo ku yaalla xaafadda X          amar-bile oo ka tirsan degmada Wardhiiglay ee gobolka             Banaadir.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray, Bashiir Bile oo ka mid ahaa wadaaddada xaafadda Xamar-bile ayaa waxaa toogtay saddex dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markiiba goobta ka  baxsaday sida dad goob joogayaal ahi  ay sheegeen.

Waxaa la sheegay in Marxuumka uu salaaddii maqrib ka adimay masjidka kana  aqiimay, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay iyo cidda dilkiisa ka dambeysay.

Dilka loo geystay wadaadkan, ayaa waxaa ka xumaaday dadweynaha ku dhaqan xaafada Xamar Bile oo sheegay inuu ahaa wadaadkani nin iska cibaadeysta oo aan siyaasad shuqul ku laheyn.

Aftahannews.com

Hargeysa         Somaliland