Midawga Afrika Muxuu Ka Yidhi Raysal-wasaaraha Cusub ee Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Ururka Midowga Afrika, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida ay u arkaan magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya isla m arkaana soo dhaweeyay masuulka cusub ee loo magacaabay Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo ay ku sheegeen inuu yahay nin hanan kara xilka loo magacaabay.

Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliaya Cabdiwali Sheekh Axmed,ayaa taageero weyn ka helay urur goboleedka midawka Afrika oo soo dhaweeyay magacaabistiisa isla markaana ballan qaaday inay la shaqayn doonaan.

.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif oo ka hadlay magacaabista Raysal-wasaaraha cusub, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan magacaabista Cabdiweli Sheekh Axmed oo khamiistii la soo dhaafay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay inuu noqdo Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Anadif, ayaa lagu sheegay in ad loosoo dhaweynayo sida wanaagsan ee deg deg ah ee uu Madaxweynaha Soomaaliya usoo magacaabay Raysal- wasaaraha dalka, waxaana warsaxafadeedka lagu sheegay in Midowga Afrika ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Cabdiweli Sheex Axmed.

 

 

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland