Guddoomiyaha Guurtidu Muxuu ka yidhi inuu Gar iyo Gar-darro ku taageero Xukuumadda Siilaanyo?

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa is-diidsiiyey inuu jawaab sax ah ka bixiyo su’aal laga weydiiyey waxa sababay inuu Xukuumadihii hore ee Somaliland marxalad kasta oo ay marayaan ka hadli jiri, isla markaana qaarkood uu mucaarid ku ahaa, dhaliilo iyo eedana u jeedin jiray, hase-ahaatee, uu Xukuumadda Madxaweyne Siilaanyo gar iyo gar-darraba ku taageero.

Saleebaan-Gaal-300x225wwww

Su’aashaas oo Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan maanta uu weydiiyey Suxufi ka tirsanaa Weriyeyaal maanta su’aalo weydiiyey Guddoomiye Saleebaan iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo wada-yeeshay kulan albaabbadu u xidhan yahay, ayaa ka war-wareegay inuu jawaab sugan ka bixiyo su’aashaas.

Md. Saleebaan oo sidoo kale la waydiiyay waxa uu ka odhanaya inuu xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo gar iyo gardaraba ku taageero, halka uu Xukuumadihii tan ka horreeyey qaarkoodna Mucaarid ku ahaa, qaarna eedayn jiray, waxa uu ku jawaabay; “Wixii khaldan waa laga hadlayaa, haddii aanay waxba khaldanayn laga hadli maayo.”

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland sida jawaabtiisa ka muuqata, waxa uu ku gaabsaday in wixii khalad ah laga hadlayo, waxaan khalad ahayna laga hadlaynin, taasoo dhadhan ahaan u muuqanaysa inaanu jirin amaba aanu isaga u muuqan wax khalad ah oo ay leedahay ama ay gasho Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, oo uu marar kala duwan oo hore ka difaacay Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee dhalliilaha u jeediya Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.