Dagaal Dhimasho iyo qasaare kale Sababay oo ka dhacay Soomaaliya

Janaale(Aftahannews):- Dagaallo khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay, ayaa maalintii labaad maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ee dalka Soomaaliya.

Dagaal1

Dagaalkan oo shalay bilaabmay, ayaa maantana  ka dhacay inta u dhaxaysa degmooyinka Jannaale iyo Awdheegle oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha hoose ee dalka Soomaaliya, waxaana wararka ka imanayaa sheegayaan inay ku dhinteen dad ka badan illaa 10 Ruux, dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Deegaanka Busley oo ku dhow degmada Janaale, ayaa la sheegay in maanta uu dagaalku ku fiday, iyadoo dadka ku dhintayna ay ku jiraan dad rayid ah oo aan dagaalka qayb ka ahayn.

Dagaalkan oo markii hore u dhexeeyay laba Beelood, ayaa waxa uu xoogeystay ka dib markii Ciidammo dawladda Soomaaliya ka jooga gobolka Shabeellaha hoose ay ku kala biireen Malleeshiyo Beeleedka dagaallamaya.

Aftahannews.com


Hargeysa/Somaliland.