Cali Maxamed Geeddi oo Talooyin culus u jeediyey Raysal-wasaaraha cusub

Nairopi(Aftahannews):- Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya xilligii Dawladdii Cabdillaahi Yuusuf, Prof: Cali Maxamed Geeddi, ayaa Raysal-wasaaraha cusub kula dardaarmay inuu iska ilaaliyo magacaabista Wasiirro loo yeedhiyay oo aanu ku xulan rabitaankiisa iyo aqoontooda.

Somalia Prime Minister Ali Mohamed Gedi address delegates during a meeting of the Intergovernmental Authority on Development, or IGAD, Tuesday, June 13, 2006 in Nairobi, Kenya.The European Commissioner for Development and Humanitarian Affairs Louis Michel suggested Tuesday easing the arms embargo against Somalia's transitional government, which was so weak it could only watch from the sidelines as a fundamentalist Islamic militia battled warlords and seized its capital.(AP Photo/Karel Prinsloo)

 Prof.Cali Maxamed Geedi waxaa kaloo uu kuladardaarmay Raysal-wasaaraha Cusub inuu ka fiirsado dadka uu u xulanayo Wasiiradiisa cusub oo uu fogaado inay ku dhacdo inuu xiolka u dhiibto dad imika la jira hadhawna kjka soo hor jeesta.

 ”Waxaan kugula talin lahaa Mudane Raysal- wasaare in aad ka fiirsato cidda aad wasiirada usoo Magacaabayso , waxaana haboon in aad Maskaxdaada kasoo xulatao golaha Wasiirada  oon laguuyeedhin  oo aad iska eegtid    xubnaha hada kula jira berrina kaa soo horjeesanaya,waxaanan  ku odhan lahaa yaan xbno lid kugu ah lagugu dhex darsan ee ha noqdo golahaagu ,mid aad kalidaa xulato.” ayuu yidhi Cali Geedi.

 

Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa kaloo uu ka hadlay qaabkii xilka looga qaaday Raysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) oo uu ku til;maamay mid sharci darro ah oo aan loo marin nidaam sharci balse uu sheegay in la fulinayay oo kaliya  danta iyo hadafka Madaxweynaha Soomaaliya .


“Markaad eegto qaabkii xilka looga qaaday Raysal-wasaare Saacid ee Xukuumadiisa kalsoonida loogala noqday waxay ahayd mid aan sharci ahayn oo dastuurka baal marsan laakiin waxaa la fulinayay oo kaliya damaca Madaxweynaha Soomaaliya oo aan rabin inay sii shaqayso xukuumadda Saacid” ayuu yidhi Cali Maxamed Geeddi.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland