Xukuumadda Soomaaliya oo Amar ku soo Rogtay Warbaahinta xilli Weriye La Dilay Tacsidiisa loo Fadhiyo

Muqdisho(Aftahannews):- Wasiirka Warfaafinta, Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdilllaahi Ciil-Mooge Xirsi, ayaa ku wargeliyey Warfidiyeenada Somaliyeed ee ka hawl-gala Magaalooyinka dalka iyo guud ahaan Hay’adaha Wwarbaahintu iska diiwaan-geliyaan Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ugu dambeyn 10 Novembar ee sannadkan.

DSC01559

Wasiir Ciil-Mooge sidaa waxa uu ku sheegay Wareegto uu soo saaray shalay, iyadoo ay Warfidiyeenada Somalidu ka murugaysanyihiin Geerida Marxuum Wariye Maxamed Maxamuud (Timo-cadde ) oo xalay ugu geeriday Muqdisho dhaawac loogu geystay weerar maalmo ka hor lagu qaaday isagoo ku gudo jira hawl-maalmeedkiisa shaqo.

Wasiirka ayaa uga digay ciddii ka dhega adeyga fulinta shuruucda wasaarada warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka laga qaadi doono talaabo Sharciga waafaqsan.

Wareegtada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray, isla markaana loogu adkeeyay Hay’adaha warbaahinta waddanka, waxaanay u dhignayd wareegtada oo nuqul ka mid ah Gobanimonews heshay sidan:- “Warbaahinta kala duwan ee ka jirta Soomaaliya ayaa kor u dhaafaya boqolaal Hay’adood oo kala duwan, waxaana ka hawl-gala boqolaal Wariyeyaal iyo Mihnadleyaal kale isugu jira, kuwaasoo tan iyo bur-burkii dawladdii dhexe ee somaliya la soo kifaaxayay hadba waayaha siyaasadeed iyo wacyiga dalka ka jira.

Labadii sanadood ee ugu dambeeyay ayay ugu darnayd Warfidiyeenada somalida, waxaana loo geystay dil iyo Handidaad kale oo aan ku dhici jirin xiligii aanay dalka dawlad ka talisaa jirin, waxaana sanadkan gudihiisa lagu dilay dalka in ka badan 10 Wariye, tiro kalena waa lagu dhaawacay.

Tani waxay ka turjumaysaa sida aanay dawladda Somali xil isaga saarin ilaalinta amaanka Warfidiyeenada oo ah kuwo mar walba saameyn ku leh dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo hawlaha amniga lagu sugayo.

Kooxaha ka soo horjeeda siyaasadda dawladda ee aan ogolayn in laga waramo dal nabad iyo horumar ka socdo ayaa loo aanaynayaa kuwa bariinsaday dilalka suxufiyiinta somaliya, laakiinse xukuumadda federaalka ayaa looga baahanyahay inay arintan dhakhso wax uga qabato.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.