Meydka Mandela oo Maanta lagu Aasay Tuuladuu ku dhashay

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo muddo toddobaad laga joogo ku geeriyooday geeriyooday deegaan magaalada Johannesburg ayaa maanta lagu aasay deegaankii uu ku dhacay ee QUNU oo ka tirsan gobolka Eastern Cape.

Aaska_Nelson_Mandela_4

Aaska_Nelson_Mandela_5

Aaska_Nelson_Mandela_1

Aaska_Nelson_Mandela_3

Maydka Mandela ayaa waxaa galbiyay ciidammo gaar ah oo loogu talogalay iyadoo markii loo qaadayay godka lagu aasayo loo riday madaafiic lagu maamuusayo, waxaana inta aan la aasin goobta ka hadlay madax Afrikaan ah iyo siyaasiyiin kale oo ay isku dhaaweyeen.

“Nelson Mandela waxaad na bartay inaan xallinno khilaafadyada oo aan dalkeenna ka dhigno mid horumarsan… waxaad na bartay inaan ka samarno carada iyo aar-gudashada… waxaad na siisay rajo iyadoo aysan rajo jirin,” eryadan waxay ka mid ahaayeen hadal uu goobta ka jeediyay madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlya ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Haile-mariam Desalegn oo hadda ah madaxweynaha ururka Midowga Afrika, isagoo sheegay in madaxda Afrika ay ka go’an tahay inay raacaan tusaalooyinkii uu ka tagay Mandela.

“Madela wuxuu ahaa halyey isagoo kale aanu ka dhalan Afrika, inaan maanta noloshiisii u dabaal-dagnana waa waajib na saaran. Mar kale si aan nafeenna ugu qancinno waa inaan raacnaa cadaaladdii, sinnaanti iyo horumarkii uu gaarsiiyay dad kala dhaqan, afkaar iyo diin ah iyo sidoo kale xorriyadii inuu u horseeday Koonfur Afrika oo xor ha iyo iyo kicintiisii hooyada Afrika,” ayu yiri Desalegn.

Axmed Maxamed Kathrada oo la xirnaan jiray Nelson Mandela oo isaguna hadal aad u qiiro badan ka jeediyay xafladda aaska Nelson Mandela ayaa sheegay inuu ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu muhiimsan ururka ANC.

“Waxaan uga mahadcelinaynaa ANC hoggaamintii wadajirka ahayd ee ay u soo galeen halgankii xorriyad-doonka Koonfur Afrika, innagoo si cad ugu faanayna in Koonfur Afrika ay iska leeyihiin dhammaan dadka madowga iyo caddaanka ah ee ku nool, suuro-galnimada xorriyadda Koonfur Afrikana waxaan si weyn uga mahad-celinaynaa Madiba,” ayuu yiri Axmed Kathrada.

Madaxweynaha dalka Malawi, Joyce Banda ayaa iyaduna ku ammaantay Nelson Mandela shaqadii uu ka qabtay gobolka, iyadoo sheegtay in Madiba uu aamisanaa in dadka oo dhan ay wada-siman yihiin Alle hortiisa, ma ahan oo keliya inuu horseeday xorriyadda dalkiisa ee wuxuu horseeday tan Afrika oo dhan, howshiisii oo dhan waxay ahayd mid uu Alle dartii u qabanayay. Xitaa wuxuu na baray in dhibaatada nolosha oo ah mid aad u weyn oo aan laga gudbi karin in laga gudbo oo laga hortago shaydaanka ku dhex-jira ummaddeenna.


Dhanka kale, madaxweynaha dalka Tanzania Jacaya Kikuwera oo ka mid ahaa madaxdii ka hadlay aaska Mandela ayaa xusay inay muhiim tahay in lala wada-dagaalammo cadaalad-darrada iyo faqriga Qaaradda ragaadiyay, lana raaco tusaalooyinkii Madiba.

Aaska Madaxweynahii hore ee Koonfur Afrika Nelson Madela oo loogu yeero Madiba ayaa waxaa ka qaybgalay 4,500 oo qof oo isugu jiray madaxda Afrikaan ah iyo dadweyne kale caddaan iyo madow lahaa.

Nelson Mandela oo ahaa aabbihii xorriyadda dalka Koonfur Afrika ayaa ku dhashay Qunu oo ah tuulada maanta lagu aasay sannadkii 1918-kii, isagoo xabsi ku jiray 27-sano oo ka mid ah cimrigiisa, wuxuuna ku dhintay toddobaadkii hore 95-sano.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.