Guddoomiye Cirro oo qiray inuu qoray Warqad la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ka cadhooday

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka gaabsaday inuu Saxaafadda u faahfaahiyo waxyaabaha ay ka wadahadleen Guddoomiyaha Guurtida oo ay maanta kulan gaar ah wada-yeesheen.

CIRRO IYO SIILAANYO

Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, oo Weriyeyaashu wax ka weydiisay shirkaasi markii uu soo dhammaaday, ayaa si koob-kooban uga jawaabay su’aalaha la weydiiyey ku boobtay, waxaanu yidhi; “Shaqo maalmeed ayaa naga dhexaysa, markaa shaqo maalmeedkii ayaannu ka wadahadalnay.”

Guddoomiye Cirro oo la weydiiyay inay isla soo qaadeen Guddoomiyaha Guurtida khilaafka u dhexeeya shir-guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada, ayaa ku jawaabay; “Islamaannaan soo qaadin (khilaafka Golaha Wakiilada)”

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo la su’aalay in Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ka dalbaday inay ka noqdaan shirkii Talo-Qaran, ayaa si kooban ugu jawaabay “Maya!.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay jirto Warqad uu u qoray Madaxwayne Siilaanyo, ayaa yidhi; “Warqadda Saxaafadda uma qorin, laakiin Waraaq aan Madaxwaynaha u qoray way jirtaa.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.