Shirkadda TELESOM Iyo Hay’adda Refunite Oo Soo Bandhigay Adeega Baafinta Oo Casri Ah

Hargeysa(Aftahannews):- Shirkadda Telesom iyo hay’adda Refugees United, ayaa soo bandhigay Barnaamij ay iska-kaashadeen oo casri ah, kaasoo loogu talo-galay in uu isku xidho dadka qaxootiga iyo barakacayaasha kala lumay, iyada oo la isticmaalayo teknoolajiyadda Mobilka.

nnnn6

hhhhh

hhhh6

kkkk4

Xaflad lagu Daah-furay adeeggan cusub, ayaa shalay lagu qabtay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikarim Maxamed Iid, Masuuliyiin sare-sare oo Shirkadda Telesom ah, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Boosaha Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, Guddooomiyaha Ururka shirkaddaha Isgaadhsiinta Somaliland Yusuf, Agaasimaha Guud ee hay’adda Christopher Mikkelsen  iyo La-taliyaha xidiidhiyaha Hay’adda Qaramadda Midoobay Gavin Roy iyo marti sharaf kale.

Isku-xidhka dadka kala lumay ama is waayay waxa loo isticmaali doonaa khad telefoonka degdeg ah (169), kaasi oo u suurtogelinaya in dadka qaxootiga ah ay iska diwaangeliyaan oo ay ka raadiyaan ehelkoodii/asxaabtoodii ay kala ka xeeyeen colaadaha iyo masiibooyinka.

“Iskaashiga noocan ahi waxa uu na siinayaa fursad aanu isbeddel xoog leh ku sameynayno nolosha kumanaan qof.” Ayuu yidhi Aas-aasaha Refugees United, Mr. Christopher Mikkelsen, oo ka hadlay daahfurkii Iskaashigan cusub.

Wuxu intaas ku daray; “Qofkasta xaq ayuu u leeyahay in uu ogaado ehelkiisu halka ay ku sugan yihiin. Shirkad leh baaxada Telesom oo kalena waxay noo oggolaanaysaa in farrintaasi gaadho qoysaska u baahan in ay maqlaan adeeggan oo kale”.

 “Iskaashiga u dhaxeeya Shirkadda Telesom iyo Hay’adda Refugee United waxa uu tusaale muhiim ah u noqonayaa qaabka dadka ay kala lumiyeen dagaalada iyo masiibooyinka dabiicigu ay dib iskugu heli karaan iyaga oo adeegsanaya tiknoolajiyada casriga, sida Telesom oo kale.  Nidaamkani waxa uu ka caawin doonaa qoysaska iyo asxaabta inay iska war hayaan, xitaa haddii ay ku sugan yihiin xaaladaha adag,” Sidaas waxa yidhi Mr. Gavin Roy oo ah la taliyaha dhinaca Isku-xidhka Qoxoontiyada ee Hay’adda UNRCO, xafiiskeeda Hargeysa.

Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, Mr. Abdikarim Maxamed Iid, oo isna ka hadlay munaasibaddaasi waxa uu sheegay in aaladda moobilku noqotay mid aan maanta hadal keliya loo adeegsan, balse fure u ah in loo isticmaalo horumarinta bulshada, hadday noqoto maaliyad ahaan, caafimaad ahaan, waxbarasho ahaan. Tanina waxay ka mid noqotay adeegyadii shirkadda Telesom ay u bixinaysay masuuliyadeeda bulshada ka saaran, waxana shirkaddu adeeggan oo isticmaalkiisu bilaash yahay u oggolaanayaa in dadka qaxootiga iyo barakacayaasha ah ay raadiyaan eheladoodii kala luntay.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Mr. Maxamed Jaamac ‘Ab-gaal’ oo isna ka qaybgalay xafladda lagu daahfuray iskaashigan cusub, waxa uu sheegay in Wasaarad ahaan ay aad u soo dhawaynayaan, isla markaana ay u arkaan in isbeddelada teknoolajiyadeed ee caalamka ka socda uu maalin kasta isbeddelayo, Telesom-na waxay inoo sahashay in adeeggani ku biiro adeegyadii hore ee shirkaddu ku bixin jirtay lacag la’aanta.

Telesom waxay ugu deeqday barnaamijkan olole 13 Milyan oo farriimood loogu dirayo Macaamiisha si kor loogu qaado barnaamijkan. Waxa kale oo shirkaddu bixisay khadka telefoonka degdega ah ee 169 oo marka la garaaco ku dhacaya goob adeeg oo ku taalla Kenya oo loogu talogalay Qaxootiga. Waxa kale oo wejiga labaad ee mashruucani yeelan doonaa barnaamij ku salaysan SMS-ka oo dadku ay ku baadigoobayaan ehelkooda/asxaabtooda ay is waayeen.

Hay’adda Refugees United  waa hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo ka shaqeysa wadamo kala duwan, waxana ay abuureen adeeg teknoolajiyadeed ay iska kaashadaan shirkadaha Isgaadhsiinta, kaasi o suurtogelinaya in baafintii oo casri ah dadku ay Moobiladooda kaga raadiyaan ehelkoodii iyo asxaabtoodii ay kala baadeen.

Hay’adda refunite ayaa ah hay’adda madax-banaan oo ka shaqaysa sida ay u midayn lahayd qoysaska ka kala maqan. Hay’addan ayaa adeegsata baraha Internetka ee lagu wadda xidhiidho iyo telefoonadda, iyadoo qof ka raadinaya qoyskiisa ama qof saaxiibkii ah oo ay kala lumen, waxaa uu ka raadin karaa shabakadda Kaydka hay’addan isagoo qofku ku qorayaaha magaca qofka uu raadinaayo barta laga baadho macluumaadka ee shabakadda hay’adda oo ah www.refunite.org. Shabakadan ayaa lagu baadhi karaa luuqadaha kala ah English, Sawaaxili, Somali, Faransiis, Carabi iyo luuqado kale oo badan.

Sidoo kale qofka aan haysan wax internet ah waxaa uu ka baadhi karaa qofka ama qoyska uu raadinaayo ee  ka maqan telefoonkiisa. Barnaamijkan Telefoonada dadka la raadinaayo laga baadho ayey hay’addu hore uga hirgalisay waddamada Kenya iyo Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.