Gabadh Wejigeedii hore laga baddaley!

Aftahannews:- Muddo haatan laga joogo hal todobaad ayaa qaliin lagu sameeyey gabadh magaceeda la yidhaahdo Joanna, oo 26 jir ah una dhalatay dalka Poland, mss Joannaa waxa dhib ku ahaa calaalinta, liqida iyo hadalka ka hor muddadii aan lagu sameynin qaliinkan.

MUCJISO

Gabadhani waa qofkii labaad ee lagu sameeyo qaliin noocan oo kale ah oo lagu guulaysto, waxay ku qaatay khubaradii ku sameeyey qaliinka muddo 23 saacadood ah, waxaana laga badelay maqaarka wajigeeda 80%, waxa ku dhacay xanuunka la yihdaahdo neurofibromatosis, oo ku dhacay markay dhalatay kaasoo sabay buradan inay ku fido xididada neerfaha.

xaalada noocan ahi waxay ku keentaa lafaha dhibaato, waxay cadaadis ku sameysaa xididada neerfaha ee laf dhabarta, xanuun badan, iyo wax yeelo dhinaca araga iyo maqalka, ku waasina daawo malaha.

dadka inta badan xaaladan way ku hide ka yimaada labada waalid, qiyaas illaa 50 boqolkiiba way ladnaadaan inta aanay dhalanin.

Koritaanka iyo bararka waxa loogu yeedhaa Neurofibromas kaasoo sababa koritaanka unugyada mana ah cancel ama contagious.

Turjumaadda iyo Diyaarinta M. Faarax.

Aftahannews.com

Hargesa/Somaliland.