Meydka Nelson Mandele oo Maanta la duuliyey

Cape(Aftahannews):- Meydka Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela, ayaa galabta la geeyey Bariga Cape, iyadoo la diyaarinayo aaskiisa oo Axadda Berri dhici doona.

131213202417_mandela_coffin_304x171_getty_nocredit

Diyaarad sidda maydkiisa ayaa ka duushay garoon milatari oo u dhow magaalada Pretoria, iyadoo keentay bariga Cape. Mandela ayaa lagu aasayaa tuuladii uu ka yimid ee Qunu.

Sida caadadu tahay wiilka uu awoowaha u yahay Nelson Mandela ayaa la socday diyaarada. Xaaskii Mandela, Graca Mandela iyo xaaskiisii hore Winnie waxay la socdaan diyaarad kale.

Kumaanaan kun oo ka tirsan xisbiga ANC ayaa ku qabtay xus ay ku sagootinayaan hogaamiyahooda garoonka.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa ku tilmaamay Mandela nin hanuuniyay dib u heshiisiin oo cafiyay dadkii xumaanta ku sameeyay.

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.