Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay cidda uu la doonayay Raysal-wasaaraha magacaabista ka hor

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu ku guul-darraystay qofkii uu la doonayay inuu u magacaabo Raysal-wasaare, ka dib markii ay ku diideen qaar ka mid ah dalalka ay Ciidammadda nabad-ilaalinta ee AMISOM ka joogaan Soomaaliya.

Farmaajo-iyo-Xasan-Shekh-

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay fiidkii ku dhawaaqay Wasiirka Koobaad ee Dawladda Soomaaliya (Raysal-wasaaraha), ayaa la tilmaamay inay doorashada Raysal-wasaaraha Cusubi ku ahayd mid aanu kalidii ka talin, balse dawlado kale ay qayb ka yihiin xulistiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayay inuu magacaabi doono Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ama Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa la sheegay inuu xulashadiisa Raysal-wasaaraha taageero kaga waayay dalalka Yugandha iyo Itoobiya labaduba ka mid ah dalalka ay Ciidammaddoodu ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

“Waxaan fiiriyey maslaxada dalka, laakiin waan jeclaa inaan Wasiirka 1-aad ka dhigo Farmaajo oo ah nin waxqabadkiisa hore loo soo arkay.” ayaa laga soo xigtay Madaxweynaha Soomaaliya inuu  yidhi mar uu shalay galinkii hore la kulmay xubno ka tirsan Taageerayaasha Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ka war sugayay inuu u magacaabo Madaxweyne Xasan Raysal-wasaare.

Raysal-wasaaraha Cusub ee Soomaaliya, ayaa noqonaya kii 10 naad ee soo mara Soomaaiya muddo 13 sano ah taasoo la sheego inay sabab u tahay gacmaha shisheeye eek u jira siyaasadda Soomaaliya isla markaana ka arrimiya hadba cidda talada loo dhiibayo,waxaana xusid mudan in Maxamed Cabdilaahi Farmaajo isagoo Raysal-wasaare ah in Yugandha looga wada yeedhay isaga iyo Madaxweynihii xilligaas oo ahayd Dawladdii ku meel gaadhka ahayd Sheekh Shariif isla markaana Farmaajo qasab lagaga dhigay inuu is casilo.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.