Kulammo dhex-maray Masuuliyiin ka kala tirsan Somaliland iyo Ingiriiska

London(Aftahannews):- Kulammo dhex-maray Masuuliyiin ka kala tirsan dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland oo ka qabsoomay magaalada London, ayaa lagaga wadahadlay sii xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo sidii ay dawladda Boqortooyada Britian Somaliland uga caawin lahayd kor u qaadista dhinaca ammaanka iyo tayaynta Ciidammada.

waran-cade-300x214

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, oo shafar shaqo ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa kulammo la yeeshay Madax sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda dalka Ingiriiska.

Wasiir Cali Waran-cadde oo kulan ka dib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in kulankaas isaga iyo masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha dibedda Ingiriiska dhexmaray, ay kaga wadhadleen arrimaha ku saabsan amniga iyo xidhiidhka soojireenka ah ee laba dal ka dhaxeeya.

“Waxaan kulammo la yeeshay Madax sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Ingiriiska, waxaanan kala hadalnay sidii cilaaqaadka xagga nabadgalyada Somaliland iyo Ingiriiska kor loogu qaadi lahaa, arrimo badanna waannu ka wadahadalnay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cali Waran-cadde.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, waxa uu sheegay inuu rejaynayo inay wadahadalladaas waxyaabaha ay Masuuliyiinta ka tirsan dawladda Ingiriiska kaga wadahadleen ay midho-dhal noqdaan, waxaanu yidhi; “Waxaanan rejeynayaa in midho-dhal fiican yeelan doonan sidii lays kaga kaashan lahaa dhinaca nabad-galayada iyo saxiibtinimada qotada dheer ee labada dal ka dhaxaysa, runtii soo dhaweyn fiican ayaanu kala kulnay.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.