Raysal-wasaaraha cusub oo ka hadlay khilaafyada dhiggiisa galaafta qaabka uu u wejihi doono

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Khamiistii la magacaabay ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Baardheere, ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay sida uu u arko xilka loo magacaabay iyo halka ay Xukuumaddiisu wax ka bilaabi doonto ee uu  awoodda saari doono wax-ka-qabadkooda oo uu tilmaamay inay ugu horrayso nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, dhamaystirka Dastuurka dalka Soomaaliya oo xilligan ah mid ku-meel-gaadh ah iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Ra'iisul_wasaaraha_cusub_ee_Somalia_1

Raysal-wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya oo u warramay maanta Warbaahinta dawladda Soomaaliya, waxa uu sheegay in Xukuumadda uu soo dhisi doonaa noqon doonto mid ka fogaata khilaafka soo kala dhex gali jiray Madaxda ugu sarraysa Soomaaliya,isla markaana ay Xukuumaddiisu noqon doonto mid   si wanaagsan ula shaqaysa dhamaan laamaha kala duwan ee Qaranka Soomaaliya.

“Xilkan la ii magacaabay maaha mid fudud, waxaa noo yaalla howlo aad u faro badan oo haddii aan guddanno Soomaaliya magac iyo sharaf u soo Jiidaya, annaguna aannu raalli ku noqon doonno.” ayuu yidhii Raysal-wasaaraha cusub ee  Soomaaliya.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo la weydiiyey sida ay Xukuumadda uu soo dhisi doonaa uga badbaadi doonto khilaafka ragaadiyay Madaxda Xukuumadaha Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay; “Aad iyo aad yaan arrintaa uga baaraan degay waxaan rejaynayaa inaanay taasi dhici doonin waxaan filayaa inaanay taasi dhici doonin oo laga soo gudbay oo soo dhamaatay hay,addaha dawladduna inay wada jir u shaqeeyaan ayaan rejaynayaa.”

Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo ka hadlayay waxyaabaha ugu waaweyn ee qorshayaasha u noqon doona Xukuumadda uu soo dhisi doono, waxa uu yidhi; “Waxyaabaha  aan xoogga saaraynno waxaa ka mid ahnabadaynta iyo fidinta maamulka dawliga ah. dhismaha iyo xoojinta hayadaha dowladda, iyo sidii dastuurka looga saari lahaa qabyada, ka dibna waxaan noo qorsheysan inaan wax ka qabano kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo soo celinta adeegyada bulshada.”

“Haa Hammigayga way ku jirtay, horena waan isugu dayey in xilkan la ii dhiibo, oo waxaan ka mid ahaa Rag badan oo doorkii hore isu soo-taagay jagadan.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay ee aan weli xilka la wareegin Cabdiwali Sheekh Axmed oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in hanka xilkan loo dhiibay uu niyaddiisa hore ugu jiray iyo in kale.

Geesta kale, Dibed-bax lagu taageerayo Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa Jimcihii maanta ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo sidoo kalena ay ka hadleen magacaabistiisa qaybaha bulshada Soomaaliyeed. Waxa sidoo kale Xaflado soo dhawayn ah loogu qabtay Raysal-wasaaraha magaalooyinka Muqdisho, Nairobi iyo meelo kale.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.