Bangladesh: Dibedbaxyo dhimasho sababay oo ka dhashay dilka hoggaamiye Islaami ah

Bangladhesh(Aftahannews):- Dibedabaxyo qalalaase watay ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah dalka Bangladhesh ka ddib dilkii hoggaamiye Islaami ah.

131213120618_kader_mullah_body_512x288_getty_nocredit

Sheekh Cabdulqaadir Mullah ayaa lagu helay dambiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha. Maxkamadda sare ee dalkaas ayaa taageertay xukun dil ahaa oo ay horey ugu ridday maxkamad kale.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa lagu dilay markii boliiska iyo dibadbaxayaasha ay isku dhaceen. Dibedbaxayaasha ayaa sidoo kale dab qabadsiiyey guryo, dukaamo iyo gawaadhi.

Cabdulqaadir Mullah ayaa la daldalay khamiistii, waxaana oo lagu helay dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la dheegay ina xilligii dagaalka 1971 ee madaxbanaanida looga doonayay Pakistan. Waxaa dalkaas sidoo kale ka dhacay dibedbaxyo lagu taageerayo daldalaadda Cabdulqaadir Mullah.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.