Warqad Madaxweyne Siilaanyo ka cadhaysiisay oo uu Gudbiyey Guddoomiye Cirro

Waa Maxay Nuxurka Ay Xanbaarsanayd Warqaddaas Ka Cadhaysiiyay Madaxweynaha?

Shir-guddoonka Guurtiada Oo Uu Wehliyo Xaaji Cabdi Waraabe Oo Geestooda Uga Cadhooday Nuxurka Warqaddaas Xanbaarsanayd Kulan Xasaasiyana La Yeeshay Guddoomiyaha Wakiillada

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) Warqad muran badani ka dhashay, taas oo uu Guddoomiye Cirro kaga dalbanaayo Madaxweynaha inuu cid u soo igmado Shirka Wada-tashiga Qaran ee ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaridku.

CIRRO IYO SIILAANYO

Arrinta khilaafka xooggani ka dhashay ayaa ahayd sharciga loo adeegsaday qoridda Warqaddaas.  Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ayaa Xafiiskiisa Golaha Wakiillada ku qoray Warqaddaas, isagoo ku saxeexay jagada Guddoomiyaha Wakiillada, isla markaana mariyay habka ay isugu gudbiyaan Xukuumadda iyo Golaha Wakiilladu Waraaqaha xanbaarsan  Xeerarka iyo  Curinta sharciyada dhex-mara labada Hay’adood ee Fulinta iyo Sharci-dejinta.


Sida uu warar xogo-gaal ah ku helay Wargayska Somalilandtoday, wuxuu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu isagoo Afka Golahaas ku hadlaya Madaxweynaha ku wargaliyay in looga fadhiyo saddex xubnood oo ka tirsan Golihiisa Wasiirrada, kuwaasoo uga qaybgeli doona Shirka Wada-tashiga Qaran ee ay ku baaqeen labada Xisbi Mucaarid oo ay muran badan oo sharci ka dib ugu yeedheen Dood Qaran. Sidoo kale, wuxuu Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro Warqaddaas OG- siiyay Golaha Guurtida.

Dalaabka Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro,  ayaa la sheegay inuu si weyn uga cadhaysiiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, sida ay caddaynayaan ila-wareedyada oo soo xigtay Wargeyska Somalilandtoday.  Wuxuunu warku intaa ku daray inuu Madaxweyne Siilaanyo Warqaddaas ku tilmaamay mid ka baxsan nidaamkii sharci ee ka dhaxeeyay Golaha Wakiillada iyo Golaha Xukuumadda uu hoggaamiyo.

Sidoo kale, waxay ila-wareedyada Wargeyska Somalilandtoday warkan ka helay intaa ku ladheen inuu Madaxweyne Axmed-Silaanyo Erayada Warqaddaa ku qornaa ee uu Guddoomiye Cirro adeegsaday ku sifeeyay qaar kakan oo ka arradan xushmadda iyo karaamadii ka dhaxaysay Wakiillada iyo Xukuumadda. Waxaanu warku sheegay inuu Madaxweynuhu dhibsaday, isla markaana aad uga cadhooday siiqadda Warqaddaas oo qaabka qoraalkeedu u dhignaa u dhadhamayey sida la sheegay amar, waxaana ka mid ahaa sida la sheegay weedhaha uu Madaxweynuhu dhibsado (Waxaan ku farayaa Madaxweyne in lagaaga fadhiyo saddex xubnood oo shirka kuu metela.”

Waxaanu ila-wareedyada uu Wargeysku soo xigtay intaa ku darayaan, inuu Madaxweynaha Somaliland ku tiraabay inaanu sharciyan awood u lahayn qabashada Shir Qaran, isla markaana aanu ku meteli karin sharci-darradaas Golaha Wakiillada ee uu Guddoomiyaha u yahay.

 Geesta kale, Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland oo uu wehliyo Xaaji Xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-Waraaabe) oo iyana geestooda la sheegay inay ka biyo-diideen dalabka Guddoomiyaha Wakiillada iyo Warqadda uu Madaxweynaha u gudbiyay, ayaa shalay  10-kii subaxnimo kulan xaasaasiya kula yeeshay xarunta Golahaas Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro.

Kulankaas dhex-maray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo dhinac ah iyo Shir-guddoonka Golaha Guurtida oo dhinac ah, ayaan si dhaba loo ogeyn waxa ka soo baxay, balse waxaa laga dheehanaayay markii kulankaasi dhammaaday Wejiyada Guurtida dareen didsanaan iyo cadho ka muuqato.

Si kastaba ha ahaate, shakiga iyo muranka xooghan ee ka dhashay Warqadda Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro u gudbiyay Madaxweynaha, ayaan la saadaalin karin waxa ka dhalan doona iyo halkay cadhada ka dhalatay sal-dhigan doonto. Hase-yeeshee, waxaa dhici karta in muranada ka dhasha warqadani dabka ku sii shido khilaafkii  ka dhashay Guddi-hoosaadyada Golahaas oo aan wali la shaacin halka ay ku dambeeyeen maaddaama oo uu Cabdiraxmaan-Cirro Warqaddan u adeegsaday awoodda Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, iyada oo Shirka ay wada qabanayaan Xisbiyada UCID iyo WADDANI aanu qayb ka ahayn Golaha Wakiilladu.

Xigasho Wargeyska Somalilandtoday.