Taliyaha Booliska Somaliland oo mar kale Awood Ciidan kula wareegay Wargeyska Hubaal

Hargeysa(Aftahannews):- Ciidammada Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa xoog kula wareegay Xarunta Wargeyska Madaxa-bannaan ee Hubaal oo ka soo baxa Hargeysa, isla markaana Xabsiga u taxaabay laba Weriye oo ka hawlgalayey Wargeyskaas sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen Masuuliyiinta Hubaal.

Hubaal

Ciidammada Aammaanka, ayaa  galabta abbaaro shanti galabnimo galay xarunta Wargeyska Hubaal ee magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ka qabteen laba ka tirsan Shaqaalaha Wargeyska oo ay Xabsiga u taxaabeen sida ay Aftahannews u sheegeen Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keef-keef).

“Maanta Jimce ayay ahayd oo dalkuba Fasax ayuu ahaa, wax dembi ah oo aannu Wargeys ahaan galnayna ma jirin, dacwad cidi na dacwaysay oo Maxkamad nalooga yeedhayna ma jirin. Laakiin, Shan Gaadhi oo Boolis ah, ayaa galabta annaga oo ka maqan Xarunta Wargeyska Xoog ku soo galay, isla markaana intay dadkii joogay ka dareeriyeen ayey laba Inan oo Shaqaalaha Wargeyska ka tirsan Mobile’s (Taleefannada gacanta) ee ay siteen ka qaadeen, ka dibna way xidheen.” Sidaa waxa yidhi Tifaftiraha Wargeyska Hubaal Xasan Keefkeef oo khadka taleefanka mardhawayd Weriye ka tirsan Aftahannews waxkaga weydiiyey sida xarunta Wargeyska loola wareegay.

Tifaftire Xasan Keefkeef oo Aftahannews uga sii warramaya Labada Wii lee Boolisku Xarunta ka qaateen iyo shaqada ay qaban jireen waxa uu yidhi; “Labada Wiil xarunta Wargeyska laga xidhay, ayaa kala ahaa Mustafe Maxamed Cabdillaahi (Qaro) oo ahaa Weriye qaabbilsan qaybta Website-ka (Shabakadda wararka) ee Wargeyska Hubaal iyo Cismaan Axmed Cismaan oo qaabbilsanaa qaybta habaynta iyo Daabacaadda Wargeyska Hubaal, kuwaasoo aannaan illaa hadda ogeyn meel ay Boolisku ku xidheen, balse ay Xarunta ka qaateen.”

Masuuliyiinta Wargeysku waxay xuseen inaanay garanayn sababta keentay in Ciidammada Booliska Somaliland xoog ku galaan xarunta Wargeyska Hubaal, isla markaana cidda keliya ee ay u aanaynayaan weerarka Xarunta Boolisku ku galay tahay Taliyaha Booliska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo ay horena ugaga cabanayeen inuu Maxkamad la’aan siidaayey Sarkaal Booliska ka tirsan oo ka mid ahaa laba nin oo Bishii afraad ee sannadkan weerar hubaysan ku qaaday Xarunta Wargeyska, isla markaana dhaawac gacanta ah gaadhsiiyey Maareeyaha Wareyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay).

Waa markii labaad ee ay Ciidammada Booliska Somaliland sidan oo kale ula wareegaan xarunta Wargeyska Hubaal ee magaalada Hargeysa, iyaga oo hore sidan oo kale ula wareegay, ka dib markii ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) xayiraad ku soo rogtay xarunta Wargeyskaas.

Waxay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hore u xidhay Maareeyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Hubaal, kuwaasoo Xukun xadhig iyo Ganaax lacageed isugu jira ay ku ridday Maxkada gobolka Hargeysa, isla markaana muddo markii ay xidhnaayeen la sii-daayey, Wargeyskana xayiraaddada lagaga qaaday qaab waan-wan iyo wadahadal ah oo lala yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo.


Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Ku-xigeenkiisa Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo shalay Warbaahinta la hadlay, ayaa Wargeyska Hubaal ku eedeeyey inuu caadaystay baahinta warar been-abuur ah oo ay ku doodeen inay nabadgelyada Somaliland waxyeellaynayaan. Waxaana muuqata marka la isu eego hadalkoodaas iyo tallaabada ay maanta qaadeen inay markaasba u muurmuurtamayeen inay tallaabadan maanta ay fuliyeen ka qaadaan.

Hase-yeeshee, Taliyaha iyo Taliye Ku-Xigeenka Booliska Somaliland oo aannu isku daynay inaannu dhinacooda wax ka weydiinno tallaabadan Ciidanka Ammaanku kula wareegay Wargeyska Hubaal, ayaanay noo suurogelin, ka dib markii uu Taliye Fadal taleefankiisa gacanta naga qaban waayey, Ku-xigeenkiisana aannu la kulannay taleefankiisa gacanta oo xidhan ama dembsan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.