Maxkamadda Sare oo soo Afjartay mid ka mida Dacwadihii ugu muddada dheeraa Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 12.12.2013 soo gebogabaysay dacwad dhul oo ka socotay Maxkamadaha gobolka Maroodi Jeex muddo ku siman 11 sannadood.

judge

Dacwaddan oo ku saabsanayd dhul dhaxal-tooyo ah oo ay leeyihiin Ilma Xirsi Geelle oo ku yaala Degmada Ibraahim Koodbuur, kaas oo si sharci darro ah ay u iibsadeen dad badan ka hor intii aanay qaybsanin dhaxaleyaashii dhulkaasi lahaa.

Dacwadda dhulkan oo ka bilaabantay maxkamadda Degmada Hargeysa sannadkii 2002-dii illaa maantana socotay ayaa saaka maxkamadda sare ee Somaliland si rasmi ah go’aan uga soo saartay natiijada iyadoo ayidday go’aan Maxkamadda degmadu ay ku burisay iibka dhulkaas, waxaanay xukuntay in iibsadeyaashii loo celiyo hantidii ka gashay, dhaxalleyaashuna ay dhulkooda u madax-bannaan yihiin.

Maxamed Cali oo ka mid ah qoyska dhaxelleyaasha dhulkaas oo ka hadlaya go’aanka maxkamadda Sare Maanta ka soo saartay dhulkaas, oo warbaahinta u warramay ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay maxkamaddu ku soo afjartay dacwaddaas muddada dheer qaadatay.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi; “Aad baan u soo dhaweynayaa go’aanka maxkamadda sare ee u hiilinaya caddaaladda inkasta oo ay ahayd inay dhamaato xilligii xukuumaddii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wakhtigaas oo ay maxkamadda degmadu xukunka ka soo saartay, laakiin xukunkaasi waxa hor-taagnaa qaar ka mid ah iibsadeyaasha oo diidanaa inay u hoggaansamaan go’aanka maxkamadda degmada, taasina waxay keentay 11 sannadood inay qaadato laakiin maanta ay maxkamadda sare soo gunaanadday.”

Maxamed Cali oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi; “Inkasta oo ay qaadatay dacwaddani muddo dheer haddana maanta waxa aan u arkaa in maxkamadda sare ay ku dhiirrato in ay soo afjarto dacwaddaas, mahaddaasna iska leh ILLAAHAY, dedaalkeedana waxa muujiyey guddoomiyaha maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo muujiyey inuu fududeeyo dacwadaha jiitamay muddada dheer ee tuulan maxkamadaha isaga oo dardar geliyey Garsoorka Somaliland si caddaaladda loo sugo.”

Maxamed Cali waxa uu sheegay in caddaaladda lagu heli karo samir iyo dulqaad, taas oo aanay dadka reer Somaliland badankoodu aanay tag u lahayn inay daba-socdaan dacwadda muddada intaa le’eg, sidaa darteedna looga baahan yahay xukuumadda iyo garsoorka inay fududeeyaan sidii ay dacwaduhu ugu dhamaan lahaayeen maxkamadaha degmooyinka iyo gobollada. Ugu dambayntii waxa kale oo uu sheegay inay tusaale wanaagsan ka noqon karto himiladii Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku ballan-qaaday inuu wax weyn ka taro garsoorka dalka.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.