“Badhan haddaanay Somaliland Ciidan Qaran ka keenin kama difaaci karno Maamulka Puntland..” Waraysi Duqa Badhan

“Sidii Puntland Shacabka Taleex u gashay…Halkanna (Badhan) haddaanay Somaliland Ciidan Qaran oo  difaaca aanay keenin,  dee cidina kama horjoogsan karto markuu yimaaddo Nin Gaadiid badan oo Tikniko ah iyo Ciidan wataa..” Waraysi Gaar ah oo uu Aftahannews la yeeshay Maayerka Badhan Cabdalle Maxamuud Faatax.

Badhan(Aftahannews):- Maayerka magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan Cabdalle Maxamuud Faatax, ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay ka difaacdo maamul-goboleedka Puntland oo uu sheegay inay faro-gelin ku hayso  magaalada Badhan oo aanu joogin Ciidan Qaran oo ka difaacaa, sida uu Aftahannews u sheegay.

Cabdalle Maxamuud Faatax oo caawa Khadka Taleefanka ugu warramay Shabakadda wararka Aftahannews.com, isagoo ku sugan magaalada Badhan, ayaa  sheegay inay jiraan dad ku sugan gudaha magaaladaas oo ay ku soo degaan Madaxda Puntland ee doolka ku yimaadda Badhan,taasoo uu sheegay in la wada og yahay inay dadkaasi magaalada deggan yihiin .

Maayer Cabdalle oo ka jawaabayay waxa sababay in Musharrax Cabdiwali Gaas oo ka mid ah Musharrixiinta Madaxtinnimada Puntland u taagan uu yimaado magaalada Badhan iyo Maamul Degmo ahaan in wax tallaabo ah ka qaadeen, waxa uu yidhi; “Horta Ninkaasi wuu yimi isagoo waliba Ciidan iyo Gaadiid badan wata, annaguna dagaal kumaannu hor joogsan karayn xilligan oo magaalada Ciidankii Qaranka ee joogay waa laga qaaday oo waxaa la geeyay meel la yidhaahdo Bixin oo ay tabobbar ku galeen inyar oo Boolis ah oo aan ka hortagi karayn ayaannu haysannay intiina waannu diyaarinnay.”

Sidoo kale Maayerka Badhan oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyay cidda ay ku soo degaan Madaxda Puntland markay yimaaddaan magaalada Badhan ee soo dhawaeysa iyo inay Maamul la simani halkaa Puntland u joogo, waxa uu ku jawaabay; “Horta dadkaasi wey jiraan waana la ogyahay oo cid waliba way ka war qabtaa. Laakiin, taa waxaa sababay dadka halkan deggeni Boosaasona wey deggan yihiin cidda timaadda ee ka tirsan Maamulka Puntland-na waa dad halkan u dhashay oo shaadhka Puntland xidhan.”

“Balse, waxaa loo baahan yahay in la helo ciidan Qaran oo ku sugan deegaanka oo ka hor tagga cid kasta oo cadaw ku ah Somaliland, laakiin imika ciidan ma haysanno mana difaaci karno oo waxaa nala jooga inyar oo boolis ah oo aan naf lahayn, Puntland-na mar kasta gar darro iyo xad gudubyo ayay ku haysaa dadka deegaanka.” Sidaa ayuu yidhi Duqa degmada Badhan Cabdalle Maxamuud Faatax.

Waxaanu Maayer Faatax oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaana dhawaan dhacday in Ciidanka Faroole ee Madaxtooyadu weerar ku qaadeen dad shacab ah oo aan is difaaci karin magaalada Taleex, halkaasoo dad badani ay ku dhinteen. Halkanna (Badhan) haddaan Somaliland Ciidan Qaran oo  difaaca aanay keenin,  dee cidina kama horjoogsan karto markuu yimaaddo Nin Gaadiid badan oo Tikniko ah iyo Ciidan wataa.”

Maayerka Badhan Caballe Maxamuud Faatax oo ka jawaabayay markii Ciidanka Qaranka Somaliland laga qaaday Magaaladaas waxa Ciidan kale loogu geyn waayay, waxa uu yidhi; “Ciidankii Qaranka ee joogay magaalada Badhan waxaa la geeyay meesha la yidhaahdo Bixin oo ay ka galeen tabobbar, waxaanay ahayd in Ciidan Qaran oo  magaalada difaaca la keeno, waxa loo keeni waayayna waxaa la weydiin doonaa Taliyaha Ciidanka Qaranka oo ay Masuuliyaddiisa tahay in la helo Ciidan Qaran oo dalka difaaca.”

Waxa uu Duqa degmada Badhan baaq u jeediyey Xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi; “Waxaan Xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay gobola Badhan keento Ciidam Qaran, waayo? Cabdiwali Gaas immika markuu yimi wuxuu watay shan Gaadhi oo Tikniko ah iyo Ciidan kale oo tiro badan, cududda sidaas ahna ma difaaci karaan midhadh yar oo Boolis ahi.” Sidaa ayuu ku yidhi Maayerka magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan oo caawa u warramay Shabakadda Aftahannews.

Aftahannews.com


Hargeysa/Somaliland.