Xukuumadda Siilaanyo oo ka hadashay Sababta Sahra-Halgan loogu diiday Xuska Shuhaadada SNM ee 17 October

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda talada Somaliland haysa ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka hadashay sababta Fannaanadda Sahra-Halgan ay kaga hor-joosatay inay qabato Xuska 30-guurada Maalinta Shuhaadadii SNM ee 17-ka Bishan October oo sannad kasta la xuso, kaasoo ay qaban-qaabinaysay qabashadiisa.

WARQADDA AMARKA AH EE WASIIR KU-XIGEENKA AMNIGA EE ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND AFTAHANN

Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi, ayaa ka jawaabay War ay Shir Jaraa’id oo ay Fannaanadda Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan) caawa ku qabatay magaalada Hargeysa oo ay ka akhriday qoraal amar ah oo uu Wasiir Ku-xigeenka Amnigu ku saxeexan yahay oo lagu farayo inaanay qaban karin Xuska 30-guurada Maalinta Shuhaadada oo ay ugu talo-gashay inay ku qabato Huteelka Hiddo-dhawr oo ay dhawaan ka furtay magaalada Hargeysa.

WASIIR KU XIGEENKA AMNIGA LOO MAGACAABAY CALI-GADHEER

Wasiir Ku-xigeenka Amnigu waxa uu sheegay in sababta loogu diiday Sahra-Halgan tahay qoraal ay Jimciyadda Mujaahidiinta SNM u soo gudbiyeen Wasaaradda arrimaha gudaha, isla markaana kaga dalbadeen in lagaga joojiyo Xus laga garab-wado Xuska ay Sooyaal qabanayso oo lagu qabanayo Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Cilmi, ayaa ku dooday in Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee SNM soo hoggaamiyaa yahay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanayo), sidaa awgeedna aanay jirin cid diiddan ama diidi karta Xuska Shuhaadada SNM.

Waxa uu sheegay Wasiir Ku-xigeenka Amnigu inaanay dafirsanayn doorkii halganka SNM ee Sahra-Halgan, balse si aan tafaraaruq iyo garabyo kala gaar ahi u qaban Xafladda ay tahay in loo daayo cidda u xil-saaran ee Masuuliyadda qabashada iyo qaban-qaabada Xususka SNM Ururka Sooyaal, isla markaana ay tahay in Munaasibaddaas oo keliya uun cid kastaa ka qaybgasho hadday SNM tahay iyo haddaanay ahayn-ba, si aan khalkhal u iman sida uu isagu ku dooday.

Warkan uu Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha guduhu kaga hadlay diidmada Xuska SNM ee Sahra-halgan, oo aan Saxaafadda loogu wada yeedhin, balse dhawr TV loogu yeedhay, ayaa lagu soo diray Emaillada Hay’adaha kala duwan ee Warbaahinta, iyadoo aanay jirin wax su’aalo ah oo warkan uu bixiyey laga weydiiyey Wasiir Ku-xigeenka.

“Halgamaaga ugu weyn ee Mujaahidiintii SNM ama Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee SNM waa Madaxweynaha dalka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, sidaa darteed ma jirto cid loo diidi karo Xuska Shuhaadada SNM, Sahra-halganna looma diiddana cid kalena looma diiddan, hase ahaatee, Ururka Mujaahidiintii SNM ee SOOYAAL, ayaa annaga Wasaarad ahaan qoraal na soo gaadhsiiyey ay ku sheegayaan in Xuskii Shuhaadada ee 17-ka October oo ay ku qabanayaan hUTEEL-ka la yidhaahdo Maansoor ka garab-waddo Sahra-Halgan oo Hudheelkeeda Hidda-dhawr lagu qabanayo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Amniga oo caawa Warbaahitna qaarkeed kula hadlay Hargeysa.

Waxaanu Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Cilmi intaas ku daray oo yidhi; “Sidaa daraaddeed, si aan garabbo kala gooni-gooniya ama iska soo horjeeda loogu arag inay xuska qabanayaan, waxaannu doonaynaa in Xuskaa aannu qabanayno laga soo qaybgalo ayay yidhaahdeen, annaguna annagoo taas tix-gelinayna iyo inaan khalkhal iman ayaannu go’aankan soo saarnay Wasaarad ahaan.”

Cali Maxamed Cilmi waxa uu soo jeediyey in Xuska Jimciyadda Sooyaal ku qabanayso Huteel Maansoor maalinta Sabtida maaddaama oo ay 17-ka bishu ku beegan tahay Jimcaha in laga wada-qaybgalo oo Cid kasta oo SNM ku abtirsata Xuskaas oo dalka oo dhan laga qaban doono cidda Hargeysa joogtaa ay kaa Maansoor ka qaybgasho.

Hase-yeeshee, Fannaanada Sahra-Halgan ayaa sheegtay inaanay u hoggaansami doonin Amarka Wasaaradda arrimaha guduhu ku fartay inaanay qaban Xuskaas, isla markaana waxay ku doodday inay qabanayso xuskaas oo cid u diidi kartaa jirin maaddaama oo ay Halgamayaashii SNM ka mid ahayd oo ay magacaba Halgankaa doorkii ay kulahayd kula baxday, iyadoo intaas ku dartay inay sagaalka subaxnimo ee Khamiista oo ku beegan 16-ka October ee Berri ku qabanayso Xuskaas Huteelka Hiddo-dhawr ee magaalada Hargeysa, cid kasta ay Munaasibadda Xuskaasi u furan tahay oo laga soo wada qaybgeli karo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.