Booliska New York oo sheegay inay nool-yihiin Raggii Fuliyay Weerarkii Westgate

New-York(Aftahannews):- Dowladda Mareykanka,ayaa ku dhawaaqday in ay noolyihiin raggii fuliyay weerarkii Westgate ee bishii September 2013 ka dhacay magaalada Nairobi dalka Kenya.

Taliyaha booliska magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay inay beentahay war hore uga soo baxay Dowladda Kenya oo sheegayay in la dilay 4-kii qof ee fulisay weerarkaas.

Warbixinta kasoo baxday laamaha ammaanka Mareykanka ayaa shaki gelinaysa sheegashada Dowladda Kenya ee ah inay dhamaantood dhinteen raggii fuliyay weerarkii Westgate Mall oo ay ku dhinteen dad  ka badan 67 qof

 “Waxay ubadantahay in ay baxsadeen Raggii weeraray xarunta Westage Mall dowladda Kenya way ka been sheegtay kiiska ku aadan masiirka 14-tii qof ee weerarka geystay”ayuu yidhi taliyaha booliska New York.

Sirdoonka Mareykanka oo dedaal dheer ku bixiyay dabagalka raggii Westgate weeraray, ayaa muujinaya in raggii weerarka geystay ay baxsadeen.

Warkan cusub ee booliska New York kasoo baxay, ayaa lagu dhaliilay qaabkii ay dowladda Kenya u maareysay dhacdadii Westgate

 “Aad bay u liidatay wada shaqeynta ka dhaxaysay Millateriga iyo booliska Kenya,waxaa xaqiiq ah in dowladdu been sheegtay markii ay tidhi raggii weerarka geystay way  dhinteen”ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxa booliska New York.

Warkan ka soo baxay booliska New-York,ayaa fadeexad kale ku noqonaya laamaha ammanka dalka Kenya oo warar badan oo si burinaya hore uga soo saaray weerarkii Westgate Mall lagu fuliyay

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland