Nicholas Kay oo Golaha Ammaanka u gudbiyey warbixin ka dhan ah Xukuumadda Siilaanyo

New York(Aftahannews):- Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Kay, ayaa u gudbiyey Golaha Ammaanka ee UN-ka warbixin lagu buun-buuniyey khilaafka u dhexeeya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiyada mucaaridka Somaliland.

kay

Qoraal dheer oo Ambassador Nicholas ka hor akhriyey Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay 10 December 2013 oo ah maalinta xuquuqal-insaanka adduunka, waxa uu ku sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xadhig iyo safarrada oo laga horjoogsado kula kacdo masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah, isagoo tusaale u soo qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Warbixinta Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay shalay, isla markaana ka soo qaadannay qaybta uu Somaliland kaga hadlay, waxa uu ku yidhi; “Somaliland waxa ka jira is-maandhaaf soo baxay oo u dhexeeya xukuumada iyo mucaaridka. Masuuliyiin mucaaridka ka mid ah oo uu ku jiro Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa xiliyada qaar la xidhay amma laga horjoogsaday safarka ay u baxaan. Waa in aynu iska ku hayno xaaladda ka jirta Somaliland oo doorashooyin guud wajahaysa sannadkan 2015.”

Mr. Nicholas Kay warbixinta uu ka jeediyey Golaha Ammaanka, waxa uu si cad kaga been abuuray xaaladda siyaasadeed ee xilligan ka jirta Somaliland, maadaama aanay xukuumaddu wax xadhig ah kula kicin masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah oo uu ku jiro Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), balse waxa dhab ah in murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen laga horjoogsaday inuu safar ku tago magaalada Gabiley toddobaadkii hore.

Haseyeeshee, waxa waxba kama jiraan ah xadhiga Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya sheegay in xukuumaddu kula kacday masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka, taasoo ku jirtay warbixinta uu Golaha Ammaanka u gudbiyey maalintii Salaasada ee taariikhdu ahayd 10 December 2013.

Lama garanayo sababaha dhabta ah ee ka dambaysa warbixinta been-abuurka ee loo gudbiyey Golaha Ammaanka, laakiin waxa jirta xurguf-siyaasadeed oo dhextaal Qarammada Midoobay iyo Somaliland, kadib markii dawladda Somaliland diidday in Wakiilka Xoghayaha Guud u qaabilsan arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya uu xafiis ka furto caasimadda Hargeysa..

Xigasho Wargeyska Jamhuuriya.