Go’aan Golaha Wasiirrada Soomaaliya ka soo saareen Shirkoodii Maanta

Muqdisho(Aftahannews):- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa si buuxda isugu raacay inay Soomaaliya xubin buuxda ka noqoto Golaha nabadda iyo amniga iyo Midowga Afrika, ka dib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo markii uu kulanku soo dhammaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in arrintan ay Soomaaliya u tahay guul weyn oo u soo hoyatay.

“Golaha wasiirada waxay falanqeyn iyo dood dheer kaddib ka yeesheen inay Soomaaliya xubin buuxda ka noqoto golaha nabadgalyada iyo amniga ururka Midowga Afrika ee loo yaqaan Peace and security council waxay si buuxda isugu raaceen in Somalia ay golahan ka mid noqoto,” ayuu yiri Ridwaan oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu xusay in go’aankan loo gudbin doono golaha baarlamaanka Soomaaliya si ay iyaguna codkooda uga dhiibtaan. Isagoo ku daray hadalkiisa in golahan ay si wadajir ah u maamulaan go’aannada iyo siyaasadda lagu jaan-gooyo nabadda iyo ammaanka dalalka Afrika.

Golaha amniga iyo nabadda Midowga Afrika oo la aasaasay sannadkii 2002-dii, waa mid ay dalalka Afrika si ku heshiiyeen dhismihiisa iyadoo howlihiisa ay ka mid yihiin:

    Inuu kor u qaado nabadda, amniga iyo deggenaashaha Qaaradda Afrika.

    Inuu sii saadaaliyo kana hortago colaadaha iyo in meeshii ay colaadi ka jirto uu nabad kusoo dabaalo.

    Inuu kobciyo isla markaana hirgeliyo howlaha nabad-dhisidda  iyo dib u dhiska dalalka ay colaaduhu ka dhacaan.

    Inuu isku-duwo isla markaana mideeyo dadaallada Qaaradda Afrika ee ku wajahan ka hortagidda iyo la dagaalanka argagaxisada.

    Inuu dajiyo siyaasadda difaaca ururka Midowga Afrika, iyadoo la eegayo qodobka afaraad farqadiisa (d) ee xeerka ururka Midowga Afrika.

   Inuu dhiirigeliyo dimuqraadiyadda, maamul wanaagga,  sharciga iyo kala-dambeynta.

Meel-marinta qodobkan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli baarlamaanka Somalia uu horraantii bishan si aqlabiyad ah uu kalasoonida ugu diiday xukuumadda Saacid oo shaqeynaysay muddo hal sano ah.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.