Waa Kuma Raysal-wasaaraha Cusub ee Soomaaliya loo magacaabay Galabta?

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa galabta magacaabay Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya yeelanayso, isla markaana xilka kala wareegi doona Rayasal-wasaarihii Baarlamaanku Kalsoonida kala noqday Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isagu weli xilkaas sii haya.

Ra'iisul_wasaaraha_cusub_ee_Somalia_1

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa Warbaahinta u akhriyey Wareegtada uu Madaxweynaha Soomaaliya ku magacaabay Raysal-wasaaraha Somaaliya, kaasoo loo magacaabay Cabdiwali Sheekh Axmed.

Sida ay ku soo warramayso Weriyaha Aftahannews ee magaalada Muqdisho Weriye Nasro, waxa uu Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo ka soo jeeda Beesha uu ka soo jeedo Raysal-wasaare Saacid.

Cabdiwali oo aan Siyaasadda Soomaalida ka dhex-muuqan, ayaa la sheegay inuu yahay Dhaqaale yahan hay’ado madax-bannaan iyo kuwo caalami ah oo kala duwan ka soo shaqeeyay, kaasoo la filayo in sida ugu dhaqsaha badan loogu gudbiyo Baarlamaanka si ay codka kalsoonida u siiyaan.

Waxaana Munaasibadda lagaga dhawaaqay Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya, goob-joog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Raysal-wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay labadii bishan aynu ku jirno kalsonida kala noqdeen Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Taariikhda Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya loo magacaabay galabta Aftahannews.com kala soco saacadaha soo socda

Aftahannews.com

Hargeysa/Soomaaliya.