Wariye Soomaali ah oo ku xidhan Itoobiya oo xaaladiisa caafimaad laga Dayriyay

Addis-ababa(Aftahannews);- Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka badhtamaha) oo ka mid ah suxufiyiinta Soomaalida,ayaa muddo laba bilood ah la sheegay inuu u xidhan yahay Dawladda dalka Itoobiya oo la sheegay  inaan la garanayan  jeelka ay ku xidhay  meel uu kaga yaallo magaalada addis- ababa Xarunta dalka Itoobiya.

Wariye Maxamed,ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dad badan oo Soomaali ah oo ciidanka Itoobiya u qabteen Qarax badhtamihii bishii Oktoober ka dhacay xaafadda Boole  ee Addis-ababa oo ay Soomaalidu u badan taha,qaraxaas oo  ay ku dhinteen laba qof oo Soomaali ah oo loo malaynayo inay ahaayeen naftood halligayaal isa soo miineeyay.

Waxaa qaraxaas ku dhintay labo Soomaali ah oo la aaminsan yahay iney ahaayeen kuwo si qarsoodi ah walxahaas qarxa ugu diyaarinayey guri ku yaala xaafada Booley ee magaalada Addis ababa oo Soomaalidu ku badan tahay.

 Wiil lagu magacaabo Ayuub Maxamed Aweys,ayaa sheegay inaanay garanayn meel Aabahood lagu xidhay  iyo jeelka uu ku jiro midnaba,waxaanu intaa ku daray in Aabihii uu mar si qarsoodi ah qoyskiisa ula soo xidhiidhay ina sheegay inuu ku jiro jeel aanu garanayn halka uu Addis-ababa kaga yaallo isla markaana uu xanuunsanayo oo aanu caafimaadkiisu wanaagsanayn wax dawo ahna aan loo ogolayn iyo dhakhtar caafimaadkiisa eega midnaba.

.“Intaan ogahay mar ayuu telefoon si dhuumasho ah noogu soo diray isagoo xabsiga ku jira waxaanu noo sheegay inaanu  caafimaadkiisa fiicnayn oo uu xanuunsanayo wax dawo ahna aan la siinin” ayuu yidhi Ayuub Maxamed Aweys oo sheegay  Aabihii inaan weli Maxkamad la soo taagin.

 Aftahannews.com


Hargeysa Somaliland