Askar ka tirsan Ciidammada dawladda Soomaaliya oo Midkood Gabadh 9 Jir ah Kufsaday oo dil lagu xukumay

Muqdisho(Aftahannews):- Askar ka tirsanaa Ciidammada qalabka Sida ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo mid ka mid ahi Kufsi u geystay Gabadh yar oo Sagaal jir ah, ayay Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidammada qalabka sidaa waxay maanta oo Salaasa ahayd ku xukuntay dil toogasho ah, ka dib markii ay ku caddaadeen dembiyada ay ku eedaysnaayeen Askartaasi.

Askartan ayaa mid ka mid ahi ka tirsanaa Ciidammada Nabad-sugudda Qaranka, halka uu Askariga labaad ka tirsanaa Ciidammada degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana labadan Askari, waxaanu Askariga labaad ku eedaysnaa inuu dil toogasho ah u geystay Allaah ha u naxariistee Wiil 25 jir ah.

Aftahayeenka Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidammada qalabka sida ee dawladda Soomaaliya Cabdillaahi Muuse Kayse, ayaa sheegay in markii ay Maxkamaddu muddo dhegaysanaysay Dacwadda labadan eedaysane, isla markaana Qareenno loo qabtay, ka dibna ay Maxkamadda horteeda kaga caddaatay inay geysteen labada Kiis ee ay ku kala eedaysan yihiin ee kala ahaa dilka toogashada ah iyo Kufsiga gabadh yar oo Soomaaliyeed oo sagaal-sano jir ahayd oo uu dhibaatooyin kalena gaadhsiiyey Askariga lagu mgacaabo Axmed Nuur Guure (Dhuun-gooye) oo 21 sano jir ahaa.

Waxa uu Afhayeenka Maxkamadda derjada Koowaad ee Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliya uu ku dhawaaqay ka dib markii ay Maxkamaddu dhinac walba ka eegtay Kiiskooda inay ku xukuntay dil Toogasho ah labada Askari ee kala ah Axmed Nuur Guure (Dhuun-gooye) oo ku eedaysnaa inuu Gabadh 9 jir ah kufsaday iyo Maxamed Mahdi Diiriye oo isaguna ku eedaysnaa inuu si badheedh ah u geystay dilka Wiil Soomaaliyeed.

Haddaba, Warbixinta Xukunkaas, qodobbada Sharciga ay Maxkamaddu u adeegsaday Xukunkan labada Xukunsane ee Askarta ka tirsanaa, Aayadaha Qur’aanka ah ee ay Maxkamaddu u cuskatay iyo guud ahaanba sidii go’aankaas Xukunka ahi u dhacay oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkaan Hoose ee Daawasho Habboon:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadada Federaalka ah ayaa horraantii sannadkan soo saaray Wareegto uu ku amray in Askariga Gabadh Soomaaliyeed Kufsi badheedh ah inuu u geystay ay ku caddaato ama la qabto isagoo Kufsi geysanaya in halkiisa lagu toogto. Waxaanay Maxkamadda Ciidammadu hore dil ugu xukuntay Askar Ciidammada ka tirsanaa oo ay ku caddaadeen dembiyo kala duwan oo ay inay baadhasho ku kaceen, inay Isbaarooyin dhigteen iyo qodobbo kale.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.