War Deg-deg ah: Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo hadda la magacaabay

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliy Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galabta magacaabaya Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya yeelanayso, isla markaana xilka kala wareegi doona Rayasal-wasaarihii Baarlamaanku Kalsoonida kala noqday Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isagu weli xilkaas sii haya.

Sida ay ku soo warramayso Weriyaha Aftahannews ee magaalada Muqdisho Weriye Nasro, waxa uu Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo ka soo jeeda Beesha uu ka soo jeedo Raysal-wasaare Saacid.

Weli waxa socda Shirka Jaraa’id ee lagu qabtay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee lagu shaacinayey Magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya, halkaas oo Weriyeyaasha kala duwan loogu yeedhay oo ay weli ku guda-jiraan Shir-Saxaafadeedkaas.

Aftahannews kala soco Warkaas oo faahfaahsan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.