Maayer Ku-xigeenka Hargeysa oo kulan la yeeshay Duqa Magaalada Bristol

London(Aftahannews):- Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa oo Safar Shaqo ku jooga waddanka Ingiriiska, ayaa kulan saacado qaatay la yeeshey Duqa Magaalada Bristol oo si diirran u qaabbilay, isla markaana wadahadal dhex-maray.

Ku-xigeenka-caasimadda-300x199

Kulanka lagu soo dhaweeyey Maayar ku- xigeenka Caasimada Somaliland ee Hargaysa Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cabadicasiis-Cagaweyne) iyo Safiirka Wareega ee Somaliland, ayaa ka dhacay Xafiiska Duqa magaalada Bristol ee Cariga Ingiriiska.

Kulankaas oo ahaa mid lagu soo dhaweeyey Maayer ku-xigeenka Hargaysa ayuu Duqa Bristol ugu horreyn aad ugu mahad-celiyey is-araga aadka u xiisaha badan,waxa uuna uga waramay xaalada guud ee ka jirta dadka reer Somaliland ee reer Bristol iyo muhiimada ay ugu fadhiyaan waxa uuna carabaabay in uu xidhiidh wacani ka dhaxeeyo, Waxa kale oo Duqa Bristol u sheegay in uu aad usoo dhaweynaayo horumarka Somaliland ay ku talaabsatay wixii uu la qabn karona wuu la bar-bar tagan yahay.

Maayer ku-xigeenka Caasimada Hargaysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) ayaa dhinaciisa aad ugu mahadceliyey soo dhaweynta qaaliga ah ee aad nagu sharaftay iyo xidhiidhka wacan ee aad la leedahay Jaaliyadda reer Somaliland ee Bristol,

Waxa Maayer Ku-xigeenku uga warramay xaaladda guud ee Somaliland iyo booqashadiisa dalka Ingiriiska, isla markaana waxay Jaaliyadda ku ballameen kulammo kale oo ay wada-yeeshaan muddada uu Safarka ku joogo Ingiriiska.

Safiirka Wareega ee Somaliland Kaysar Cabdillaahi oo isaguna kulankaa ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey Duqa Bristol iyo kulankan Tariikhiga ah ee uu la yeeshay, Safiirku waxa uu dhinaciisa caddeeyey sida aad Jaaliyadda ugu xidhan tahay iyo sii xoojinta xidhiidhkeenna.

Kulanku waxa uu kusoo dhammaaday guul, waxaana ugu danbeyn Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargaysa uu guddoonsiiyey hadyad dhaqanka Somaliland ah oo uu aad uga helay Duqa Bristol.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.