Qaramada Midoobay oo ka hadashay Saamaynta ay Soomaaliya ku yeelatay is-casilaaddii Yusur

Muqdisho(Aftahannews):- Wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay UNSOM ee dalka Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa shir Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ay ku yeesheen xaruntooda New York habeenkii Talaadada ayaa sheegay in is-casilaaddii Yusur Abraar ay dhaawacday kalsoonidii ay deeq-bixiyeesha caalamka ay ku qabeen dowladda Soomaaliya.

Xasan_Kay_5

Sida ay baahisay maanta shabakadda Hiiraan, Danjire Kay ayaa sheegay in riditaankii xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid iyo shaqo ka tagistii madixii hay’ada xagga lacagta ugu sarreysa Soomaaliya ay caqabad ku kala noqdeen hawlihii dowladda iyo deeq bixiyayaasha kuwaa oo lacago fara badan ku shubi jiray khasnadda dowladda Soomaaliya.

“Labadda xaaladoodba waxay keeneen su’aalo fara badan, kuwaas weli aan loo helin jawaabo waafi ah, balse labadduba waxay sabab u noqonayaan rajo wanaagsan,” ayuu yiri wakiilkua isagoo intaas ku daray in is-casilaaddii 30-kii Oktoobar ee Yusur Abraan ay keentay dareen weyn oo dhinaca kalsoonida dowaldda ah.

Ergaygu wuxuu ammaanay tallaabaddi dhaqsaha lahayd ee guddoomiye KMG ah loogu magacaabay Bankiga dhexe, kaasoo ay golaha wasiirardu isku raaceen toddobaad ka hor, waxaana xilkan loo magacaabay Dr. Bashiir Ciise Cali.

“Waxaan dhowr jeer isku-keennay bulshada caalamka iyo deeq bixiyayaasha si dhibaatadan loo darso, innagoo xitaa kulammo is-dabajoog ah la yeelanay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana soo dhaweynay doorkii firfircoonaa ee bankiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka IMF ee loogu soo celinayo kalsoonida Soomaalida iyo bulshada caalamka marka la eego habka uu ku shaqeynayo maamulka lacagta dowaldda,” ayuu Kay hadalkiisa ku daray.

Ma jiro mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo si dhab ah uga hadlay sababtii keentay iscasilaadda guddoomiyihii bankiga dhexe ee Soomaaliya, Yusuf Abraar oo muddo laba bilood ah xilkaas haysay.

Hadalka ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa imaanaya xilli ay xubno ka tirsan ururka Midowga Yurub sheegeen in Soomaaliya aysan weli siin dhaqaalihii loogu yaboohay, sababo la xiriira dhinaca maamulka lacagta oo aan sal-fadhiya lahayn.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.