Kenya oo Berri u dabbaal-degaysa 50-guuradooda ka soo wareegtay Xornimadooda

Nairobi(Aftahannews):- Dawladda iyo dadweynaha reer Kenya, ayaa Berri u dabbaal-degaya 50-guurada ka soo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddooda ka qaatay waddanka Boqortooyada Ingiriiska oo berri ku buuxda, iyada oo maanta illaa caawa si weyn Caasimadda Nairobi iyo guud ahaan dalkaas si weyn looga dareemayo qab-qaabada diyaar-garawga xuskaas.

ke-lgflag

Madaxweynayaal iyo hoggaamiyeyaal ka socda waddammada Caalamka ayaa lagu casuumay oo berry ka qaybgalaya Xuska 50-guurada ka soo wareegtay markii Kenya xornimada ka qaadatay Ingiriiska 12-kii December sannadkii 1960-kii oo berri ku buuxda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ka mid ah Madaxda ka qaybgalaya Xuska maalinta Berri ah lagu qabanayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo uu maanta gaadhay oo Berri si ballaadhan loogu xusayo dabbaal-degayo maalinta Xorriyadda Kenya.

Ammaanka guud ahaan waddanka Kenya ayaa lagu soo warramayaa in si weyn loo adkeeyey, isla markaana la xidhay Xuduudaha dalkaasi la leeyahay Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika, iyada oo dhaqdhaaqa diyaar-garawga xuska konton guurada ka soo wareegtay xorriyaddooda laga dareemayo dalka oo dhan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.