Wasiir ku xigeenka amniga Somaliland oo beeniyay inuu sii daayay askari xildhibaan rasaaseeyay

Hargeysa-(AN)-Wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa dafiray eeddo lala xidhiidhiyay oo ku saabsan inuu sii deynta Sarkaal dhawaan Rasaas ku riday xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha wakiillada, kaasoo bilaysku ka soo qabteen Degmada Dacar-budhuq.

Wasiir ku-xigeenku oo manta saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa beeniyay inuu sii daaynin oo aanay ka suurtoobin, isagoo arrintaa kahadlaya waxa uu yidhi  “Anigu nin aan sii daayay ma jiro,kiiskaasna cida baahisay cadeynteedaa laga rabaa, laakiinse anigu ninkaa maan sii deyn, waana arin aan iga suurto gelayn”ayuu yidhi.

Labadii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa laysla dhex marayay in wasiir ku-xigeenku amray inaan la soo qaban Ninkaasi oo Falka uu galay  horeba loola xidhiidhiyay inay soo maleegeen isaga iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.

Tabaarik Maxamed Ducaale, ayaa qirtay inuu shan maalmood ka hor Rasaas ku riday xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha wakiillada ee laga soo doortay Gobolka Saaxil.

Ninkan ayaa ah Sarkaal Mileriga ka tirsan oo derejadiisa lagu sheegay Kabtan, waxaanu ku andacooday mar uu ka hadlayay sababta uu falkaasi ugu kacay inuu is-difaacayay, ka dib markii mudane qabille Baastoolad ula baxay, ka dib markii ay hadal kaftan ah  isdhaafsadeen.