Xukuumadda Siilaanyo oo sheegtay inaanay u joojinaynin Dhalliilaha Mucaaridku u jeediyo

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda talada dalka haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa sheegtay inaanay u joojin doonin dhalliilaha ay Xisbiyada Mucaaridka ahi u jeediyeen.

Wasiirka arrimaha debadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka warbixiyey guulaha safarro shaqo oo uu ku soo maray dalalka Khaliijka Carabta iyo Ingiriiska, ka dib markii uu maanta ku soo laabtay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay inaanay Xukuuamdda uu ka tirsan yahay u joojinaynaynin dhalliilaha loo jeediyo.

WASIIR Maxamed Biixi YOONIS

Wasiir Maxamed Biixi oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal, isla markaana waxa uu qolka nasashada ee Madaarka ugu warramay Warbaahinta, waxaanu faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha usoo qabsoomay muddadii uu Safarka shaqo ku maqnaa.

“Waxaan muddo badan ku maqnaa waddanka Uganda halkaas oo aan kula kulmay halkaas oo aan kula kulmay Wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaas, waddankaas oo ah wadan aynu walaalo nahay oo xidhiidh innaga dhaxeeyo aad ayaanay ii soo dhaweeyeen waanay na casuumayaan aniga iyo Madaxweynaha-ba.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Biixi.

Waxaanu Wasiirka arrimaha dibedda oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxa kale oo aan tagay wadanka Ingiriiska halkaas oo aan kaga qayb galay shirar badan oo la xidhiidha shirkada Genel iyo nabad galyadeeda, waxa kale oo aan soo maray Dubai halkaas oo aan doonaynay inaanu daba gal ku samayno mashaariic badan oo dawlada Imaaraadku noo balan qaaday sidii loo socodsiin lahaa iyo halka ay marayaan iyo inaanu dawlada imaaraadka ku war gelino sida ay dadku ugu baahan yihiin mashaariicdaas ugana mahad naqno.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka jawaabay eedaymaha loo soo jeediyo Wasaaraddiisa, ayaa sheegay inaan loo joojinayn cid kasta oo ka hor-timaadda hawlaha ay Wasaaraddu u hayso Qaranka waxa uu yidhi; “Masuuliyadda ugu weyn ee Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland waa inay nabadgelyada kala shaqayso xubnaha kale ee Xukuumadda. Ta labaadna waxa weeye in la gaadhsiiyo horumar dhaqaale iyo waddanka oo loo raadiyo maal-gashadayaal wax innala qabta, waddankuna sidan kuma jiri karo umana joojinayno qof meel ka hadlay ama wax iska yidhi. Waxa muhiima in cid kasta oo albaabbadeenna garaacda oo doonaysa inay wax ila qabtaan oo ay maal-gashadaan dalka ama Dekedda ha noqoto ama Baatroolka ama Sibidhka ama jidadka.”

“Wax kasta oo innoo soo jiidaya dad maalgashadayaal ah ama Hay’adaha caalamka ee wax bixiya waa inaynu soo dhawaynaa, Wasaaradda arrimaha dibedduna waxay masuul ka tahay wax kasta oo dibedda ku lug leh. Markaa, waxaan ku celinayaa inaan loo joojinayn danta ummaddu waxay tahay qof meel ka hadla.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.