Farshaxan Muujiyey Dhacdooyin yaab leh

Dhacdo(Aftahannews):- Nin farshaxan ah oo ku takhakhusay xirfadda samaynta Sawirrada, isla markaana u shaqeeya Houndton Tabby oo magaciisa la yidhaahdo Kim Parkhuurst, ayaa sameeyey Sawirro dadka jecel Xayawaanka.

1461142_1440716459490011_671178173_n

Dadka iyagu xiiseeya Sawirrada ama muuqaalka Xawayaanka noocyadiisa kala duwan, ayaa iyagu Sawirra nooca xawayaanka ay muuqiisa jecel yihiin, ka dibna waxay ka dalbadaan inuu u sameeyo muuqaalka ay doortaan, dabadeedna muddo 20 saacadood ah inuu ku soo saaro Computerka sawirkiisii oo leh kur xayawaan, oo ka mid ah xayawaannada.

Xayawaankuu doonaba ha ahaadee, taasoo uu ku safeynayo nooca xayawaanka uu u eeg yahay muuqaal ahaan iyo dabeecad ahaanba, taasoo dad ka mid ah waa kuwa isa sawiree ay ku qanci waayeen waxa uga soo baxa muuqaal ahaan, halka kuwo kalana ay ku qancaan sawirka xayaawaanka uu u eeg yahay, taasoo noqotay wax la la yaabo sida ka muuqata muuqaallada.

Turjumaadda M. Faarax

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.