Gantaalihii Ridada Dheera ee Abwaaniinteenu ku Ganayeen Siyaad Barre iyo Xukunkiisii Rashiid Sulub Caalin,Hargeysa

21ka October sidaynu wada ogsoonahay ee aynu xasuusan karno waxay ku began tahay maalintii 21/10/1969-kii eee uu Maxamed Siyaad Bare xukunka wadanki la isku odhan jiray Soomaaliya ku qabsaday xoog millateri, waxaana hadda ka soo wareegtay muddo 41 sanno ah.

Xukunkaasi wuxuu horseeday in dadkeena uu ka mutaysto dhibaatooyin bani?adaminnimada ka baxsan oo aynu ka wada dheragsanahay, taasina aakhirkii dhalisay in la dagaallamo, lagana guulaysto, isla markaana la helo wixii aynu ku hamiyi jirnay ee Allana ka baryi jirnay oo ah dawladnimadda aynu maanta haysano.

Haddaba, dagaalkii waddanka lagu xorreeyey ee Siyaad Barre iyo ciidankiisa lala galay in maanta oo kale dib loo jaleeco wey habboon tahay, waayo waxa taariikh nolosheena dhinac walba ka taabanaysa, jiilka dambena waxay u tahay baraarujin, inagoo intii ku nafwayday halgankaas iyo intii dhibaatooyinka gaarka ah ka kala kulantay Alle naxariis uga baryeyna.

 

Dagaalkaas wejiyo badan oo heerar kala duwan soo maray waxa jirtay in abwaaniinteena qaybo laxaad leh ka qaateen, safka horena kaga jireen waycigelnta iyo abaablulka ciidankii SNM iyo shicibka qaybihiisa kala duwan. Shaqo labaad oo ay hayeen qaar ka mid ah abwaaniinteena oo mucjiso dahsoon ahayd ee aan halkan ku muuinayo waxa ay ahayd buuxinta iyo hdeelitirka halgankii, taas micnaheedu axay tahay dawladii Siyaad Barre waxay ahayd dawlad dhisan oo xoog iyo dhaqaale badan leh, iyadoo isla markaana adduun weynaha taageero dhinac walba leh lala barbar taagnaa, halka SNM oo ahayd urur curdin ah oo taageero badan aan haysan.

 

Sidaa awgeed waxa lagamamaarmaan noqotay inay qaar ka mid ah abwaanadeena oo kanaamo iyo haybad gaar ah Alle siyey, isu xil-saraan, lana yimadaan istaraatijiyad muhiim ah oo quwada Siyaad Barre ee dulmiga iyo xaq darrada ku dagaalamaysay in halkeeda lagu wiiqo si xoogagii SNM fursadahooda guushu u bataan oo niyada iyo maskaxda shicibka lala socodsiiyo heerka halganka.

 

Haddaba, waxa jirta oo muhiima in ay xuasuusano sidii abwaaniinteenu u hirgaliyeen qorshahoodii qarsoona ee dagaalka hoose ahaa, kaasoo ahaa istaraatijiyad kala dhantaashay xooggii ka soo horjeeday si dheeli tiran millateri loo helo, taasoo ahayd in ay adeegsadaan gantaalaha sugaanta, gaar ahaan gabayo ay si toos ah ula beegsanaayeen Siyaad Brre iyo xukuniisii si cududoodu u wiiqanto, taasoo hirgashay Allen waafajiyey, waaana tusaale u soo qaadanaynaa abwaanno si toos ah uga soo qaybqaatay halgankii lala galay Siyaad Barre, waxaana ka mid ahaa abwaanadaas Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) gabay uu tiriyey 27/7/87 oo sadaal kaga bixiyey halka uu ku dambayn doono hagalkanka iyo xukunkii Siyaad Barre, gabayga labaad ee aynu soo qaadan doonana waxa tiriyey Allaha u naxariistee Abwaam Ca;o Xasam Aadam (Cali Banfas), waxaana magaciisa la yidhaa Guban, waxaannu soo baxay sannadkii 1980-kii

 

Gabayga Maxaed Warsame Hadraawi qayb ka mid ah wuxuu ku yidhi;

 

Dacartaa ku shidantee

Ha darrooro hilibkuye

Daldaloosha xididdada

Marka toban la dooxaba

Annagaa kun dihannoo

Badhba diir u gelinnee

Dubta beerka caydiga

Dunqulaalka madagtiyo

Xolobaddada ka daba hura

Annagaa ku daarrnoo

Qaybo degel gufeynoo

Duni kale abuurnee

Duddun waayi maynee

 Idinkaa wax dumiyee

Daari yaanay taagnaan!

 

Alla ha u naxariistii Abwaan Cali Banfas gabaygiisii tuducyo ka mid ah;

Mareexaankii waa kaa ka degay labadii daamoode

Daaradaan lahaa baa tindheer igula doodaadye

Dawlad buu ka haystaa awood dabaqad loo jeexye

Kirixow dan baa tidhi maan dibinta ruugaaye

Duqdii hawsi buulkeedii ay ku damcayaane

Daruurihii rag baa qabsaday iyo dabo cadaadeede

Sheekh Madar ba waa lagu durkoo dacalo gooyeene

Laba Nuux dadkeedii cirka laga dayayaaye