Daawo Fannaaniinta Waayaha Cusub oo Wacdaro ka dhigay Madal Bulshooyinka 52 Waddan ku kulmeen

Amsterdam(Aftahannews):- Fannaaniinta Soomaaliyeed ee WAAYAHA CUSUB, ayaa iyagoo metelaya Qaranka Soomaaliya waxay ka qaybgaleen Bandhigga Nabadda Caalamka oo ay ka qaybgalayaan illaa 52 waddan oo dalalka dunida ka tirsan oo lagu qabtay magaalada Amsterdam ee waddanka Netherland (Holland), waxaanay ka muujiyeen Madasha la isku arko wacdaro aad loola dhacay.

Fannaaniintan Soomaaliyeed ee WAAYAHA CUSUB, ayaa soo bandhigay Masrixiyad cajiib ah oo qurux badan, isla markaana aad loola dhacay, waxaanay halkaas ka qaadeen Heeso kala duwan oo Waddani ah, balse hal hees oo la dhaho dalkaaga loo dhintaa dhibaatada waa la iska dhawraa dhexdana waa loo xidhaa, ayaannu halkan Hoose idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkeeda iyo qaabka ay Masrixiyaddaas u soo bandhigeen.

Heestan oo Luuqadda Soomaaliga lagu qaadayo laguna turjumayo Luuqado kale guji halkan hoose Hoose Muuqaalkeeda si aad u daawato, Daawasho Habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.