Madaxweynaha Soomaaliya oo ka baaqday Safar uu dalka dibeddiisa ugu bixi lahaa

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka baaqday Safar shaqo oo uu qorshaysnaa inuu maanto ku tago magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweynaha_Dowlada_Somalia_Xasan_Sheekh

Madaxweynaha oo ka qaybgali lahaa dabbaal-degyada dawladda Kenya ay u samaynayso sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegatay markii ay Kenya xorriyaddeeda qaadatay oo Barri la xusi doono, ayaa baajiyay booqashadiisa iyadoo ilo ku dhow madaxtooyada ay sheegeen in Madaxweynuhu uu ku mashquulsanyahay la-tashiyada soo xulidda Raysal-wasaaraha Soomaaliya yeelan doonto oo la filayo in uu maalmaha soo socda magacaabo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Cismaan Jawaari oo u matalaya Soomaaliya ka qaybgalka xuska 50-aad ee xorriyadda Kenya ayaa maanta gaadhay magaalada Nairobi.

Madaxweyne Xassan ayaa kulamo la qaatay shalay musharrixiinta u taagan xilka Ra’iisul wasaaraha oo gaaraya 17 musharrax, kuwaasoo intooda badan uu madaxweynuhu la qaatay kulamo gaargaar ah.

Wararka ayaa sheegaya in ay ku jireen musharrixiinta uu la kulmay madaxweynuhu Xuseen Cabdi Xalane iyo C/waaxid Cilmi Goonjeex oo horay xilal uga soo qabtay dawladihii hore ee Soomaaliya iyo Maxamuud Xaaji Xassan oo kamid ah ganacsatada waawayn ee Soomaalida.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maalmahaanba waday kulamada iyo la tashiyada kala duwan ee uu la yeelanayo qaybaha bulshada Soomaalida iyo murashaxiinta intaba.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.