Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Buste saartay Tacaddiyada ka dhaca goobaha Booliska

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Caaddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay inaan heerka caddaaladda Somaliland marayso lagu qiyaasi Karin tacaddiyada Saldhigyada Booliska ka dhaca.

waasiiirka-cdaalada2-300x200

Wasiirka Caddaaladda oo maanta hadal ka jeediyey Munaasibad lagu xusayey maalinta Xuquuqda Aadamaha ee caalamiga ah Xuquuqal Iinsaanka oo maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, taasoo uu soo qaban-qaabiyey Koomishanka Xuquuqda Aadamaha ee dawladda Somaliland.

Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa isaguna sheegay in kiisaska ka dhacay meelo gaar ah ama meelo hoose sida Saldhig ama Rug Boolsi aan lagu qiimayn karin heerka caddaaladda Somaliland, balse ay tahay in lagu qiimeeyo marka ay dacwaddu meel sare oo illaa heer Madaxwayne iyo Wasiir ah gaadho ee waxba laga qaban waayo.

Inta badan dadweynaha ku dhaqan dalka Somaliland, ayaa cabashooyin ka muujiya Saldhigyada Booliska iyo goobaha Garsoorka, kuwaasoo ay kaga cawdaan inay kala kulmaan caddaalad-darro iyo tacaddiyo ka dhan Xuquuqda Aadamaha iyo ta Muwaaddiniinta Dastuurka iyo Xeerarka dalku u dammaanad-qaadeen.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.