Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo kulammo la yeeshay Gacansato Carbeed

Dubai(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Safar shaqo ugu maqan dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kulammo kala duwan la yeeshay Ganacsato iyo Maal-qabeenno kala duwan oo u dhashay Khillajka Carabta.

IMG_6145

IMG_6142

IMG_6093 copy

IMG_6150-1

IMG_6229

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo caawa ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Wasiir Maxamed Biixi kulammo kala duwan uu la qaatay Maal-qabeenno daneynaya inay maal-gashadaan Somaliland, Hay’adaha Samafalka oo ay u horreyso (Khalifa Foundation), kuwaasoo ay isla af-garteen in mashaariicdii hore ee Imaaraadka Carabtu oggalaadeen sida ugu dhakhsaha badan loo fuliyo.

Wasiirku waxa kale oo uu la kulmay Safiirka Somaliland iyo Soomaaliya ee Imaaradka Carabta, taasoo ay ka wadohadleen xidhiidhka Walaaltinnimo ee ka dhaxeeya labada waddan ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.