Madasha Hal-Abuurka Iyo Abwaan Nageeye Cali Khaliif (Safiirka) Maansadii Sixir-Barar Qaybtii 1=aad

 

Maansadani Waxay Si Faahfaahsan Uga Hadlaysaa Sida Waayaha Adduunka Iyo Wakhtigu Uu Isu Badalay; Qarniyaal La Soo Dhaafay Iyo Qiimihii Noloshu Lahaan Jiray Guud Ahaan Caalamka Gaar Ahaana Ummada Soomaaliyeed. Waxay Sawir Buuxa Ka Bixinaysaa Isbadalka La Yaabka Leh Ee Ku Dhacay Dhaqankii Ummada Soomaaliyeed; Sida Loo Dhayalsadan Wax Istaristii Umadda Dhexdeeda Iyo Sida Loo Hilmaamay Dhaxalkii Awowyaasheen.

Maansadani Waxay Ku Soo Baxday 15th October 2013; Aniga Oo Kusugan Magaalada Addis Ababa, Ayaa Waxaa Xaflad Loo Qabtay Labada Abwaan Ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Iyo Xasan X. C/Laahi (Ganay); Oo Waxkhtigaas Safar Ku Joogay Addis Ababa; Markii Labada Abwaan Tallo Iyo Tusaale Wixii Ay Ummada U Gudbinayeen Soo Bandhigeen; Ayaa Waxaa Loo Guddbay Dhinicii Su?aalaha.

 

Markaasaan Abwaaniinta Weydiiyay Su?aashan:

Sida Aad Ka Warqabtaa Baryahan Dambe Waxaa Soo Baxay Sixirbarar Ummada Kaga Dhacay Dhinac Walba, Gaar Ahaan Abwaaniinta, Siyaasiyiinta, Dhakhaatiirta Iyo Iwm; Waliba Waxaa Ugu Daran Sixirbararka Ku Dhacay Abwaniinta, Waayo Abwaaniintu Waa Lab-Dhabartii Dhanaka; Sidaasi Daraadeed Maxaa Tallo Ku Soo Jeedinlahaydeen Si Dhaqan Burburkaas Looga Hortago?

 

Markii Ay Su?aashii Wixii Ay Xal U Arkayeen Soo Jeediyeen, Ayaa La Kala Dareerey.

 

Laba Maalmood Ka Dib Ayaanu Hadraawi Kulanay; Sheeko Ka Dib Waxa Uu Igu Yidhi ?Nageeye Abwaan Wax Curiya Ayaad Tahaye Maxaad Sixir Bararkii Aad Habeenkii Dhawayd Ka Hadlaysay Wax Uga Curin Wayday??.

 

Ereyadaas Hadraawi Ayaa Saameyn Weyn Igu Yeeshay Ka Dibna Waxaa Ka Soo Baxday Maansadan Sixir-Barar.

Haddii Aan Si Kale U Dhigo Maansadan Magaceeda Labaad Waxaa La Yidhaahdaa ?Dhaxalkii Hadraawi?.

 

Maansadan Waxaan Ku Halqabsanayaa Saaxiibkay Muuse Maxamed Cali.

 

Maansadu Waxay Soo Bandhigaysaa 9 Sixir-Barar Oo Sida Aan Filaayo Dhammaantiin Aad Ka Markhaati Kacaysaan; 9 Sixir-Barar Oo Ummmada Kaga Dhacay Dhinacayda:

 

1.  Wadaadada;

2.  Siyaasiyiinta;

3.  Dhakhaatiirta;

4.  Abwaaniinta;

5.  Ardayda;

6.  Salaadiinta;

7.  Ganasatada;

8.  Fanaaniinta;

9.  Dhalinyarada;

 

Maansadu Waxay Ku Bilaabantay.

 

Sixir-Barar:

Saaxiibkay Muusow

Ifku Waa Sitaacoo

Lama Simin Abuurkee

Murtidii Saxnaydiyo

Suugaanta Luuqdiyo

Samoow Heesahaygii

Waxaan Saarka Uga Dhigay

Waa Dunni Siloonoo

Laba Suul Dhexdoodiyo

Surin Oodan Joogtoo

Waanadi Ka Suushoo

Samirkii Ilawdoo

Sakaraatul Mawdkiyo

Aakhiro Ka Seexdee

Dadka Kale Ma Siiyoo

Kuma Suuro Nacaskoo

Fulle Kama Sinaystoo

Waa Hadiyad Soocee

Aan Kuu Saafo Hadalkee

Saaxiibkay Muusow

Waanadu Sad Weeyoo

Sadarada Quraankaa

Sumad Looga Dhigayoo

Waa Surinka Guushee

Waxaan Sadarka Maansada

Caawa Ula Sara-Kacay

Indhawaydba Saaxiib

Sahanbaan Ahaayoo

Anfacadii Ka Soomoo

Saqda Dhexe Habeenkii

Hurdadii Ka Salaloo

Soomaalidu Ha Joogtee

Dunidaa Siraadka Leh

Kumanaan Sanoo Hore

Waxaan Uunka Soo Marin

Ayaan Kuu Sawirayaa

Midba Gooni Ula Soco

 

Wadaadadan Sirgacanee

Diintii Sadqeeyee

Sunihii Ka Baydhee

Seefaha Afaystee

Maatidan Saboolka Ah

Dhiigooda Saydhee

Iyagu Isa Sudhanee

Surbacaadka Nagu Riday

Waa Sabanka Joogiyo

Sixir-Bararka Waayahan

Rabigeen Inagu Simay

 

Siyaasigan Guracanee

Sifii Dawladnimo Iyo

Samihii Ka Leexdee

Shacabkii Sadheeyee

Hadba Suurad Gaariyo

Saddex Midab Samaystee

Wixii Shalay Siloonaa

Maanta Uu La Saxanyahay

Waa Sabanka Joogiyo

Sixir-Bararka Waayahan

Rabigeen Inagu Simay

 

Hal-Abuurka Sabankee

Afaraydu Waa Sadde

Isagoon Sakalo Bixin

Surinkii Ka Baydhee

Hadba Ruux Salooshee

Siddii Sabbi Carruureed

Suuf Loo Garaaciyo

Dhadhamaada Lagu Sabo

Waa Sabanka Joogiyo

Sixir-Bararka Waayahan

Rabigeen Inagu Simay

 

Salaadiintii Dhaqankee

Xigaalka Isa Seegiyo

Sakalaha Nebcaayee

Garta Saafi Jirayee

Gobanimadu Saarnayd

Waa Laga Salguuroo

Kuwa Saaka Joogee

Iscaleemo Saaree

Siyaasiga La Ceeshaa

Waa Sabanka Joogiyo

Sixir-Bararka Waayahan

Rabigeen Inagu Simay

 

Fanaaniinta Sabankee

Murtideenii Soocnayd

Lasoco qaydta 2-aad

Abwaan Nageeye Cali Khaliif (Safiirka)

E-Mail: Nageeye09@hotmail.Com

Senior Editor at Golisnews