Shirkad Soo Bandhigtay Baabuur ay Hargeysa Ku Farsamaysay

Hargeysa(Aftahannews):- Khoboro u dhashay Waddanka China, ayaa markii ugu horreysay maanta magaalada Hargeysa ku soo bandhigay Baabuur ay halkan ku sameeyeen, isla markaana isla Hargeysa lagu farsameeyey, waxaana Munaasibaddii bandhiggaas ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur.

Gaadhhi4

Gaadhi3

Gaadhi2

Gaadhi5

Khobaradan Shiinaha ka socota oo dhawaanahanba ku sungnaa Somaliland, ayaa dalka ka hirgeliyey Wershad baabuurta furfurka ah lagu xidh-xidho, isla marakaana ku soo bandhigtay Baabuurtii ama iyo Mootooyinkii ugu horreeyay ee ay isku rakibto.

Wasiirka Wershadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur oo munaasibaddaas ka hadlay, ayaa sheegay in Wasaaradda Wershadaha Somaliland ay heshiis wada galeen shirkado Chines ah oo dalka ka furaya Wershado isku rakiba Baabuurta furfuran.

“Runtii waxaa faraxad noo ah inaanu manta himiladayadii noo rumowday ama ficilkayagii halkan ku muujino in ay waxjira oo xaqiiqo ah tahay. Waxaannu heshiis laba geesood ah wadagalnay wasaarada warshadaha iyo masuuliyiinta shirkada Afro China Commerce Industry Group,waxaanu heshiis kuwada galnay in dhowr warshadood halkan ka sameeyaan oo ay kow ka tahay tan manta  xafladeeda taaganahay oo ah assemble baabuurta lagu xidh-xidho oo baqabuurta Chineska ah iyo kuwa kale oo caalamiga ahba halkan lakeeno oo lagu xidh-xidho iyo baaskiiladaha, waxaan dadwaynaha ugu bushaaraynayaa in sanadka cusub si buuxda howlahooda u bilaabi doonaan waxaan u mahad naqaynaa dowlada China.”

Mr; David Chin oo kamida masuuliyiinka  shirkadda Afro China Commerce Industry Group, oo munaasibadaadaasi ka hadlay ay shirkadiisu ku soo bandhigaysay muunada baabuurkii iyo mootadii ugu horeysay ee dalka gudihiisa ku rakibto, ayaa sheegay in wasaarada warshadaha ay dalka ku soo dhaweysay ka dib markii ay heshiis wada galeen in dalka ay ka furan ilaa 20 wasrshado. Waxaanu xusay in labada dhinacba ay mudo kooban shaqo adag ku qabteen.

Masuuliyiinta shirkada Afro China Commerce Industry Group, ee heshiiska wada galeen wasaarada warshadaha Somaliland ayaa dalka timid badhtamihii bishii hore,  waxaanay xaqiijiyeen howlaha warshada ay dalka ka hirgaliyeen taas oo markii ugu horeysay dalka gudihiisa baabuur furfuran ku rakibtay.

Waa markii ugu horreysay ee Shirkaddan oo kale Somaliland laga hirgeliyo intii ay Jamhuuriyaddani jirtay, waxaanay tani sahli kartaa in cid kastaa ha lahaato Wershaddane dalka ay wax badan ku soo kordhiso, isla markaana laga maarmo gaadiid badan oo dibedda laga soo dhoofsan jiray.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.