Xukuumadda oo Xabsiga dhigtay Saraakiil ka tirsan Xisbiga UCID

Hargeysa(Aftahannews):- Taageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa maanta bannaan-bax ka hor-dhigay xarunta dhexe ee Xisbigaasi ku leeyahay Xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysaa, halkaas oo Ciidammo Boolis ah Xukuumaddu dul dhoobtay subaxdii hore ee saaka, isla markaana Saraakiil ka tirsan Xisbigaas Xabsiga ugu taxaabeen.

Xisbiga UCID oo maanta oo ku beegan 10-ka December 2013, isla markaana la xusayey Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha waxay hore ugu muddeeyeen muddaharaad salmi ah, hase-yeeshee, Wasaaradda arrimaha gudaha oo ay u gudbiyeen dalabka ah inay bannaan-baxaan sida sharcigu dhigayo, ayaa ka diidday.

Isla markaana amartay inaanay muddaharaadi karin UCID, taasoo sababtay inay Masuuliyiinta Xisbigu beddelaan shalay qorshohoodii ahaa inay bannaan-bax magaalada ay ku dhex-maraan sameeyaan, isla markaana waxay u beddeleen inay Xaruntooda dhexe ee Hargeysa isugu yimaaddaan oo ay halkaa ku muujiyaan cabashadooda la xidhiidha cabbudhinta ay Xukuumadda Siilaanyo ku hayso Madax-bannaanida Xorriyatul-qawlka Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Saxaafadda.

u_118243d_2013-12-10-12-32-42f_saw1

Waxaanay Masuuliyiinta UCID hadallo iyo khudbado kala duwan u jeediyeen Taageerayaashooda maanta isugu soo baxay Fagaaraha Xarunta Xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa, halkaasoo ay Taageerayaasha Xisbigu si nabadgelyo ah ugu dhammaysteen bannaan-baxooda oo aanay wax rabshado ah geysan, inkasta oo Boolisku hujuumay bilawgii bannaan-baxaas oo ay jajabiyeen qaar ka mid ah qalabka kuraasta iyo codbaahiyeyaasha lagu rakibay goobtaas subaxnimadii hore ee saaka.

Xukuumadda Somaliland ciidaammo Boolis ah dhigtay saaka subaxnimadii hore agagaarka xarunta Xisbiga UCID ee xaafada Shacabka, isla markaana xabsiga dhigay xubno ka tirsan Xisbigaas oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Ciyaaraha ee UCID Maxamed Cali Maxamed (Jiir), Xoghayhaha Abaabulka Ismaaciil Axmed Ismaaciil iyo xubno kale.

Hase-yeeshee, markii dambe waan-waan iyo wadahadal dhex-maray Xukuumadda iyo Xisbiga UCID, ayaa Saraakiishaa lagu sii daayey, sida uu Aftahannews u xaqiijiyey Xoghayaha Warbaahinta Xisbiga UCID Yuusuf Keyse oo aannu khadka taleefanka kula xidhiidhnay caawa.

Guddoomiye-ku-xigeenak saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Guray oo la hadlay dadkii isugu so baxay Xaruntooda, ayaa sheegay inaanay jirin Dimuqraadiyad la yidhaahdo oo ka jirta Somalilad, isagoo arrintaa ka hadlaya waxauu yidhi, “Waxaynu ognahay dimuqraadiyaddii halka lala marayo, waxa la yidhi hadaan mucaarid firfircooni jirin dimuqraadiyadi ma jirto.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.