Wasaaradda Duulista oo ka hadashay War Sheegaya in Wasiir Xaashi Gaadiid Sharci-darro ah soo iibsaday

Hargeysa(Aftahannews):- Wasaaradda Duuliusta Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, ayaa beenisay war sheegayay in Wasiirka Wasaaraddaasi uu laba baabuur oo bas ah nidaam sharciga ka baxsan u soo iibiyay, sida uu maanta qoray wargeyska Haatuf ee ka soo baxa caasimadda Hargeysa.

Laba-Bas-300x168

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Duulista Saddaam Maxamed Axmed, waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:-

“Wasaarada duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland waxay si adag u beeninaysaa war saaka ku soo baxay wargeysa Haatuf cadadkiisii 3469, oo ku taariikhaysnaa 10/12/2013 ka, kaasi oo ciwaan looga dhigay “Fadeexad ka dhalatay baabuur uu Wasiirka duulistu sifo sharciga baal-marsan lacag badan ugu bixiyey soo iibintoooda oo ciladooda la saari la’yahay.”warkaasi oo ah mid aan sal iyo raad toona lahayn xaqiiqdana ka fog.

Warkaasi oo uu wargeysku ku sheegay in ay wasaaradu laba bas soo iibsatay isla markaana aanay marin iibkaasi Guddida qadaraasyada qaranka, waxaanu ummadda u cadaynaynaa in ay arrintaasi tahay mid xaqiiqada ka fog, labadaasi basna ay yihiin deeq dawladda Ingiriiska gaar ahaan xafiiska FCO, oo wasaaradda duulista ka gacan siiya horumarinta amaanka madaaradu uu ugu deeqay wasaaradda. Iyaga oo toos u soo iibiyey wasaaradana ku wareejiyey.
waxaanu xaqiijinayaa in gaadiidkaasi aan laga soo iibin hanti dawladeed, miisaaniyada wasaarada ee sanadka 2013-kana aanay ku jirin wax gaadiid ahi.

Wargeyska Haatuf waxa uu warkaasi ku sheegay in labadaasi bas ay ciladaysan yihiin, xogtaasi oo ah mid aan jirin wargeyskuna si mala awaal ah ugu waramay, arintaasi waxay meelka dhac ku tahay dawladii inagu caawisay. Gaadiidkaasi waa mid cusub laguna kalsoon yahay tayadooda.

Ugu dambayntii Wasaaradda duulistu waxay umadda u cadaynaysaa in wargeysa Haatuf uu ku gafay anshaxa iyo milgaha saxaafadda isaga oo baahiyey war been abuur ah, kana tagay jawaab arintan ku saabsan oo uu siiyey afhayeenka wasaaradda Duulista iyo hawadda Somaliland oo ay la soo xidhiidheen intii aanay warkan baahin.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.