Madaxda Caalamka oo ku sii qul-qulaya Koonfur Afrika

Koonfur Afrika(Aftahannews):- Madaxda Caalamka,ayaa ku sii qul qulaya dalka Koonfur Afrika si ay uga qayb galaan aaska Qaran ee loo samaynayo hoggaamiyihii la dagaanka midab takoorka  waddankaas Nelson Maledda.

1111

 In Kabadan 100 Hoggaamiye oo Isugu Jira Madaxda Xiligan Talada Haysa Iyo kuwa Hore usoo qabtay xilalka Madaxweyne Iyo sido kale  hay,adaha caalamiga ah,ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inay ka qeyb galaan munaasibad weyn oo loo samaynayo aaska Nelsn Madella

Hogaamiyeyaasha soo gaadhay dalka Koonfyr Afrika ee xilligan ku sugan dalkaas,ayaa  waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama Iyo xaaskiisa Michelle. Iyo sadaxdii Madaxweyne Ee Ka Horreeyay  oo Kala , Jimmy Carter, George W. Bush iyo  Bill Clinton, Iyo sidoo Kale xogayahii hore Ee Arimaha Dibada Dalka Mareeykanka Hillary Clinton,

 Sido Kale Madaxweynaha Fracne Francois Hollande, Iyo madaxweynahii Hore Nicolas Sarkozy.

222222

David Cameron Raysal-wasaaraha Britian Ayaa Haatan Ku sugan karoonka kubada cagta FNB Stadium ee magalada Johannesburg oo lagu qabanayo munaasibadda Baroordiiqda Ah.

 Madaxweynaha Dalka Brazil Dilma Rousseff ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha haatan soo gaadhay aadhay Koonfur Afrika .

3333333

Hoggaamiyaha Falastin Mahmud Abbas,Madaxweynaha Cuba Raul Castro,Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan,Madaxweynaha Ivory Coast Alassane Ouattara ,Rayssal- wasaraha Canada Stephen Harper,Madaxweynaha Afganistan Hamid Karzai, Madaxweynaha Tunisia Moncef Marzouki, Madaxweynaha India Pranab Mukherjee,Madaxwynaha Germany Joachim Gauck ,Raysal-wasaraha Lebanan Prime Najib Mikati,Madaxweyne ku xigeenka China Liu Yuanchao,Madaxweynaha Bangaladesh Abdul Hamid.,Madaxweynaha Sri Lankan Mahinda Rajapaksa,,Madaxweynaha Liberia Ellen Johnson Sirleaf Madaxweynaha Dalka Kenya,Uhuru Kentan.Kan Ugandha Yugeri Musaveni Ayaa Kamid Ah Madxda Afrika Ka Socota.

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland