Al-Shabaab oo Ku hanjabtay inay weerarayso Dalalka Ciidamadoodu Soomaaliya Joogaan

Baraawe(Aftahannews):- Kooxda Al-Shabaab eek a dagaalanta koonfurta Soomaaliya,ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay dagaal ku qaadaan dalalka ay ciidammadda nabad ilaalintu ka joogaan Dalka Soomaaliya ee AMISOM.

Afhayeenka kooxdaAl-Shabaab  Cali Maxamed Raage(Cali Dheere)sheegay in ay qorsheynayaan  weerar ay ku qaadaan  dalalka ay Ciiddammadu ka joogan Soomaaliya,taasoo uu sheegay Cali dheer afhayeenka Al-Shabaab inay kaga aar gudan doonaan dalalkaas oo ay sheegeen inay ku soo duuleen dalka Soomaaliya illaa ay ka baxaanna ay la dagaalami doonaan.afhayeenka Al-Shaab oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi.

“waxaan ugu bushaareyneynaa muslimiinta inay jiraan mujaahidiin walaalahood ah oo diyaar u ah inay u aargudaan mar kasta”ayuu mar kale yidhi sheekh Cali dheere. waxaanu intaa raaciyay.

“waxaan leenahay wakhti waad haysataan kuwa dalkayaga  ku soo duulay iska baxa hadaad diidaan sida kenya ayaad u barooran doontaan insha allaah”ayuu yidhi Sheekh Cali dheere

 

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland