“Haddii Qof dilay Qofkaagii, Hantidaadana dhacay kuu yimaaddo oo ku yidhaahdo I Cafi maxaad samayn lahayd?”

Qiso Naxadin, Murugo iyo Yaab badan oo toddobaadkan dhacday! Muqdisho(Aftahannews):- Adduunyada qofka nooli waxyaabo badan oo uu jeclaysto, necbaysto, wax uu ka naxo ama ku farxo iyo dhacdooyinka nolosha aadamaha ku xeeran mid kasta oo ka mid ahi way soo mari kartaa, maalin iyo habeenna midkood ayuun buu la kulmaa, dhacdo kastaana markay kugu cusub tahay ama ku dul-taagan tahay ayay waayeheeda leedahay. Dabcan xusuus taban ama toganna way ka tagtaa oo taariikhdaada saamayn ku yeelata.

DANJIRE CALI AMEERIKA

Haddaba, innaga oo aan ku sii dheeraanaynin Akhriste ama dhegayste Maxaad yeeli lahayd haddii qof qofkaagii dilay, hantidaadiina dhacay intuu kuu yimaaddo ku yidhaahdo i cafi ama isaamax? Ninba si isleh baa la odhan karaa ama la dhihi karaa, Diinta iyo Dhaqankuna wax ay inna farayaan baa jira. Hase-yeeshee, waxa ku lammaan Caaddifadda iyo Shaydaanka oo Sharaaradda qofka Aadamaha ah hadba heer gaadhsiiya haddii aanu dabeecad ahaan, Diin ahaan iyo Dhaqan ahaan midba inta aad ka sidataa ka saamayn badannin.

Haddana marka aynu eegno inta badan dadkeenna Soomaalida ah waxa ku badan Caaddifadda, Shuxshuxda Shaydaanka, Qabiilka iyo qodobbo kale oo innoo dheer oo dareenka qofka ama sharaaradda heerkiisa cadho ama degganaansho marba meel joojiya ama istaajiya amaba gaadhsiiya.

Bal haddaba nala dhegayso Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo ka warramaya qiso ku dhacday Sabtidii dhawayd mar uu isagoo ku sugan Makhaayadda ama Baar Liido oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaas oo isagoo shaah ka cabbaya uu ugu yimi Wiil ka mid ah koox dishay Gabadhiisii, isla markaana dhacday Hantidoodii oo intuu u yimi uga sheekeeyey waxa uu geystay, isla markaana weydiistay inuu cafiyo iyo waxa uu ka yeelay-ba.

Halkan guji si aad u dhegaysato Waraysiga Safiir Ameeriko ay la yeelatay Laanta Afka Soomaliga ee Idaacadda BBC-da oo ah waraysi xiiso badan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.