Somaliland oo Xog-ururintii ugu horreysay ku samaynaysa Xaaladda Dhalmada Haweenka

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay bilawday tallaabo lagu darsayo xaaladaha iyo marxaladaha Haweenka ee xilliga dhalmada, caqabadaha ay la kulmaan iyo sida looga hor-tagi karo, isla markaana loo yarayn karo dhibaatooyinka ay Hooyadu la kulanto xilliga dhalmada.

Wasiir-Ku-xigeenka-caafimaadka-21

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa maanta ay Huteelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa ka furtay tabobbar markii u horeysay lagu darsayo xaaladda Haweenka dalka xilliga ay uurka leeyihiin illaa dhalmadda.

Wasiir ku-Xigeenka Caafimaadka oo hadal ka jeedisay Kulanka tabobbarka loogu fidinayey Hawl-wadannadii ka qayb-qaadan lahaa xog-ururintan, ayaa sheegtay inay tahay markii u horreysay ee mashruucan laga fulinayo Somaliland, isla markaana ay tahay mid lagu daraasadaynayo waxyaabaha sababa iyo xaaladaha u saamixi kara inay cudur-sidayaashu halis geliyo Hooyada ku jirta wakhtiga dhalmada.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan oo kulankaas ka hadashay, ayaa taabatay muhiimadda mashruucanni leeyahay, waxaanay tidhi; “Waxaynu isugu nimid in tabobbar la siiyo Hawl-wadeenno ka hawl-geli doona, sidii ay xog uga heli lahaayeen Hooyada Somaliland iyo Dumarku marka ay ku jiraan xilliga dhalmada, xaaladaha ay la kulmaan, waxyaabaha sababa dhibaatooyinka, waxa aynu odhan karnaa waa hawl-ballaadhan oo ah xog-ururintii ugu horraysay ee la sameeyo.”

Waxay Wasiir Ku-xigeenku ka warrantay cidda Wasaarad ahaan kala qaybqaadanaysa fulinta hawshan iyo haddii ay sida loo qorsheeyey u qabsoomi waydo dhibaatada ka dhaln karta. “Waxaa hawshan iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Hay’adda WHO iyo Hay’adda DARS oo hawl fududaynta wada iyo Jaamacad Abu Dhabi ku taal. Waxaan leeyahay waa hawl culus oo ah tii ugu horraysay, waana hawl haddii ay inaga qaloocato inna daba socon doonta mustaqbalka.” Sidaa ayay tidhi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

“Waxaan ku boorrinayaa dhalinyarada inay hawshaas inooga soo baxaan 10 ka sannadood ee soo socda xogtii ay wasaaradda Caafimaadku ku hawl geli lahayd ee ay ku salayn lahayd barnaamijyada hooyda iyo dhalllaanka in lagu horumariyo caafimaadkeeda taas ayaa kula dardaarmayaa.” ayey tidhi Nimco Xusene Qawdhan.

Waxaanay Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland oo hadalkeeda sii wadataa intaa ku dartay oo ay tidhi; “Waxaan kula dardaarayaa Gobollada iyo Degmooyinka, Maayerrada iyo Masuuliyiinta Dawladda u jooga iyo Hooyooninka xogta laga doonayaba oo la doonayo inay xogtaasi noqoto mid run ku salaysan, maaddaama oo aynu doonayno in Barnaamijkii 10-ka sano ee soo socda lagu hawl geli lahaa halkaas ka soo baxo, Xog-ururintanna tahay tii ugu horraysay waa in ay si sax ah innooga dhacdo, waa inaanay noqon mid inta gidaar lala fadhiisto la soo buuxbuuxiyo, waa inay noqotaa xog ku salaysan xogta dhabta ah iyo baahiyaha caafimaad ee goobtaasi ka jira.”

“Waayo? Waxa aynu ognahay in caaladda caafimaad ee dalka ay duruufo baadani ku gadaaman yihiin, waxa ay noqonaysaa mid soo shaacsaarta xaaladda caafimaad ee dalka ee dhabtab ahi halka ay taagan tahay, waxaanay noqonaysaa miisaankii laga qiyaas qaadanayey ee ah halkee ayeynu u soconaa oo aynu gaadhaynaa, waa inay ka soo baxdaa xog aad idinkuna amaanteeda yeelataan.” ayay tidhi Marwo Nimco Xuseen Qawdhan.

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi Baadhista ee DARS Ibraahim Haashin oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa waxa uu kooxahan samaynaya xog ururintan kula dardaarmay inay keenaan xog rasmi ah oo dhamays tiran, waxaanuu uga digay inay gidaarada la fadhiistaan oo ay soo buuxbuuxiyaan, isaga oo xusay inay dhowaan gobollada dalka ee kale ka billaabi doonaan xog-ururintan oo ay tabobbar siin doonaan kooxaha ka hawlgeli doona hawshaas.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.