Xukuumadda Oo Afar Weriye Xabsiga Ka Sii-daysay, Afar Kalena Xidhay

Hargeysa(Aftahannews):- Afar Weriye oo muddo toddobaad ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa, ayaa maanta la sii-daayey, kuwaasoo qaab damiin ah lagu sii-daayey, ka dib markii ay ka hawlgeen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland iyo Xubno kale.

aaaafffft-300x200

Weriyeyaal-la-xidhay-300x256

Hase-yeeshee, waxa maanta Duhurkii Afar Suxufi oo kale laga taxaabay Kaantarroolka Heleya ee Hargeysa laga soo galo, kuwaasoo lagu xidhay Saldhigga Booliska magaalada Dacar-budhuq ee degmada Laas-geel. Afartaa Weriye oo safar shaqo ku tagay Deegaanka Jaleelo oo ka tirsan Degmada Laas-geel ee gobolka Hargeysa, inkasta oo fiidkii caawa la soo daayey.

Weriyeyaasha muddada todddobaadka ah xidhnaa oo ka tirsanaa Suxufiyiin bannaan-bax nabadgelyo ah ku muujiyey caddaalad-darro ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo kula kacday Wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal, ayaa toddobaadkii hore Ciidanka Booliska Somaliland qabteen, isla markaana lagu xidhay Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa.

Suxufiyiintan ayaa saddex cisho ka hor Maxkamadda la hor-geeyey, isla markaana ay amartay in muddo toddoba cisho ah loo gudbiyo Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay maalin ka hor ka soomeen cuntada.

Weriyeyaal Xabsiga dhexe ee Hargeysa shalay tagay, ayaa sheegay in Qaar ka tirsan Afarta Weriye ayaa ku dhex xanuunsaday Jeelka dhexe ee Hargeysa intii ay ku xidhnaayeen, waxaana la sheegay inay soo deyntooda ka hawlgaleen Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee dawladda Somaliland Marwo Farxiya Xuseen Jaahuur, kuwaasoo la sheegay inay dammaanad ku soo daayee.

Weriyeyaashan aan xorriyaddooda sida tooska ah loogu soo celin, ayay soodeyntoodu ku soo beegantay saacado ka hor Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha Adduunka oo ku beegan tobanka Bishan December oo maanta caalamka oo dhan laga xusayo. Waxaanay u muuqataa inaanay Xukuumaddu cafiyin Weriyeyaasha sharci-darrada ugu xidhnaa, hase-yeeshee, ay weydaarinayso inay Xabsiga ku qaataan xuska maalinta Xuquuqal-Iinsaanka Adduunka oo dabcan Salaasadda Berri Somaliland-na si weyn looga xusi doono.

Geesta kale, Afarta Weriye ee maanta abbaaro labadii Duhurnimo lagu xidhay Saldhigga Booliska magaalada Dacar-budhuq ee xarunta degmada Laas-geel, ayaa la sheegay inay Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsani xadhiggooda amreen, isla markaana lagu haystay War ay ka soo duubeen Odayaal iyo Wax-garadka Deegaanka Jaleelo oo ka tirsan Laas-geel ee gobolka Hargeysa, kuwaasoo ka cabanayay, isla markaana ka soo horjeeday go’aan la sheegay in Wasiir Ku-xigeenka amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdillaahi Abbokor iyo Guddoomiyaha Degmada Laas-geel xilka kaga qaadeen Maamulkii hore ee Deegaanka Jaleelo, isla markaana ay maamul cusub ugu sameeyeen.

Weriyeyaashaas oo kala ahaa Cabdirashiid Cabdiwahaab Xuseen oo ah Weriye ka hawlgala Universal TV, Cali Xasan Sugulle oo ah Filim-qaade ka tirsan Universal TV, Weriye Nagiib-yare oo ka tirsan Bulsho TV iyo Weriye Faysal-fifa oo ka tirsan Royal TV.

Weriyeyaasha ayaa intaan la xidhin Guddoomiyaha Degmada Laas-geel ka dalbaday inaanay siiddeynin warka ay Jaleelo ka soo duubeen gelinkii hore ee maanta, isla markaana Cajaladaha ay soo duubeen isaga ku wareejiyaan, hase-yeeshee markii ay ka diideen dalabkaas ka dib ayuu amar ku bixiyey in la xidho, waxaana loo qaaday magaalada Dacarbudhuq, waxaana labadii Duhurnimo ee maanta waqti ku beegan lagu xidhay Saldhigga Booliska magaaladaas, hase-yeeshee, waxa la soo daayay oo xorriyaddooda loo soo celiyey abbaaro lixdii Maqribnimo ee caawa, manay sheegin Weriyeyaashaasi dhibaato xadhigga iyo waqti-luminta ka badan oo loo geystay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.