Xukumadda Jabuuti oo Ganacsade Jaamac Omaar ku sii daysay shuruud adag

Jabuuti(Aftahanews):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa Xabsiga ka sii-daysay Ganacsade Jaamac Omaar Seed oo muddo saddex toddobaad ku siman ku xidhnaa Xabsi ku yaalla Galbeedka waddanka Jabuuti, ka dib markii sida la sheegay lagu xidhay shuruud adag.

djibouti-flag1

Sida lagu baahiyey Shabakadda wararka ee Berberanews, Ganacsadaha Jaamac Oomaar, ayaa lagu soo eedayay arrimo la xidhiidha Ganacsi sharci-darro ah oo uu soo geliyay  waddanka Jabuuti iyo kulammo uu la yeeshay Ganacsadaha weyn ee Mucaaridka ku ah Ismaaciil Cumar Geelle, ee Cabdiraxmaan Boore oo ka mid ahaa Ganacsatada waaweyn ee reer Jabuuti, balse arrimo siyaasadeed looga mabnuucay dalka Jabuuti,  kuwaasoo uu dibedda kula yeeshay kulammo kala duwan sida lagu eedeeyey.

Sii-daynta Ganacsade Jaamac Omaar, ayaa ka dambaysay waan-waan iyo wadahadal muddo socday iyada oo ay halkaas tageen 12 Suldaan oo ka tegay Magaalada Hargeysa. Si ay dawladda Jabuuti uga Ergeeyaan sii-dayntiisa maaddaama oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Somaliland.

Kulammada ay la yeesheen Madax-dhaqameedka Somaliland Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti,  ayaa la isku afgaran waayay dhowr jeer, balse ugu dambayntii sida ay sheegayaan wararka iyo xogaha la xidhiidha arrintan ganacsade Omaar waxa lagu sii daayay xukun aan Maxkamadi ku ridin oo lagu ganaaxay in uu bixiyo lacag gaadhaysa 10 Million oo Doollarka Marayakanka ah, waxaana ugu dambayntii xorriyaddiisa loo soo celiyay Ganacsade Jaamac Omaar Axaddii toddobaadkan, ka dib  markii uu aqbalay in uu bixiyo Ganaaxaas Lacageed.

Maaha markii ugu horraysay ee ay Xukuumadda Jabuuti ee uu Madaxda ka yahay Ismaaciil Cumar Geelle sidan oo kale cadaadis u saarto Ganacsade asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse Ganacsigiisu ka diiwaan-gashan yahay dalka Jabuuti, kuwaasoo ganacsi ku leh Mandaqadda.

Madax-dhaqmeedka Somaliland ka tagay Bishii hore ee November 21-keedii, ayaa marrkii ay tageen Jabuuti waxay bilaabeen in ay kulammo is-daba-joog ah la yeeshaan Madaxda kala duwan ee dawladda waddankaas, kuwaasi oo rabay in ay ku qanciyaan in Jaamac Omaar Xabsiga laga sii daayo, isla markaana laga joojiyo dhammaan dacwadaha lagu soo oogay. Hase-yeeshee, Madaxda waddanka Jabuuti ayaa in badan ka cago-jiiday in qaabka waan-waanta ah ee Madax-dhaqmeedku ula tageen lagu sii-daayo Ganacsadahaas, inkasta oo ay aakhirkii aqbaleen.

Xigasho Berberanews.com.